Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiye Mursal Iyo Madaxweyne Dani
Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan oo booqasho ku tagay Magaalada Garowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa maamulkaas. Kulan ay Wada yeesheen Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni aya Waxay Iska Xog Wareysteen Xaalada guud […]
FBI Oo Xabsiga Dhigtay Soomaali Loo Haysto Argagaxisanimo
Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xabsiga dhigtay Labo Wiil oo Soomaali ah kuwaas oo Qaxooti ku ahaa dalka Mareykanka loona heysto falal la xiriira Argagixisanimo. Wiilashan ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay Jimcihii iyaga oo isku dayay in ay diyaarad ka raacaan Garoonka diyaaradaha ee Gobolka Arizona, kuna sii jeeday Dalka Masar si ay ugu […]
Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Laga Soo Wareejiyey Seycheles
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi ayaa Cafis U Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xirnaa falalka Budhcad-badeednimada . “Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah […]
Xukun Lagu Riday Askari Fududeeyay Dilka Madaxii DP World Ee Dekadda Boosaaso
Maxkamad ay leeyihiin Ciidanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay saaka xukun ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka maamulkaas. Askariga ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Xirsi,waxaana lagu eedeeyay in uu fududeeyay weerarkii 4tii February sanadkan lagu dilay magaalada Boosaaso. Nin hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa afartii February waxaa uu Dekadda Magaalada Boosaaso ku dilay […]
Wararkii Ugu Dambeeyey Khilaafka Kheyre Iyo Ahlu-sunna
Wararka Mandeeq ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb waxa ay sheegayaan in ay socdaan kulamo xal looga raadinayo khilaafka ra’liisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ee ka dhashay Ciidamada la geynayo Magaaladaas. Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa doonaya in ciidamo ka socda Dowladda Federaalka oo labo jeer dib loo soo celiyay la geeyo Dhuusamareeb, […]
Odoyaasha Gaalkacyo Oo Aqbalay Ka Qeybgalka Shirka Dhuusa-mareeb
Magaalada Gaalkacyo waxaa xalay kulan gaar ah ku qaatay guddiga dib qaban qaabada shirka u heshiisiinta Galmudug ee uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Odoyaasha Magaalada. Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah ka qaybgalka shirka lagu wado 5-ta bisha soo socota August lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug. Gogoshaas waxaa la filayaa in […]
Wasaaradda Batroolka: Wadamada Aan Haysan Shidaalka Halis Bay Ku Jiraan
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda SOomaaliya Maxamed C/Qaadir Hilaal ayaa dalka Mareykanka uga qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka. Wasiirka ayaa sheegay in waddamada aan ku jirin OPEC ay halis ku jiraan xilligan loona baahanyahay in ay horumariyaan kheyraadkooda. Waxaa uu sheegay in shirkaasi waxyaabaha dalka ku jira Waddamada Shidaalka soo saara […]
Wax-garadka Iska Diiwaangeliyey Al-shabaab
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo saaray warbixin ay ku faah faahinayeen waxa ka dhaqan galay amar 15kii Bishan ka soo baxay oo ay ugu yeereen Odayaasha soo xulay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in ilaa hadda ay is diiwaangeliyeen 159 Oday oo ka mid ahaa Odayaashii uu ku socday baaqooda islamarkaana […]
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Colaadda Sanaag
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay colaadda Sanaag, wuxuuna sheegay in nabad lagu soo dabaali doonno. Biixi ayaa sheegay in hadda ay socdaan dedaallo badan oo wax walbo nabad looga dhigayo, waxgaradkuna kaalin mug leh ka qaadanayo. “Colaadda hadda nabad ayeey ku dhammaaneysaa, waxgaradkii ayaa wada dedaal, waxaana rajeeneynaa in is faham la […]
Al-shabaab: Waxaan Dilnay Askar AMISOM Ah
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Bal’ad iyo Jowhar oo ka wada tirsan Shabeellaha dhexe ay ku dileen toban ka mid ah Ciidamada Burundi ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Burundi lagu weeraray agagaarka Tuulada Gololey […]
Roobow Oo Xabsiga Guri Laga Dhigayo
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qorshe Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dooneyso in xabsiga ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya looga saaro Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar hoggaamiyaha 2aad ee ugu sarreeya Al-shabaab soo noqday. Xogo kala duwan ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ah ay qorsheyneyso in Abuu Mansuur la geliyo xabsi […]
Wax-garad Loo Xiray La Kulanka Al-shabaab
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Dhowr Oday oo ka mid ahaa ergadii soo xulatay Xildhibaannada Maamulkaas ku matala Dowladda Federaalka ah. Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen Odayaal ka soo laabtay dhinaca Al-shabaab. Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa waxaa uu kulan la qaatay […]