Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Waa Sidee Xaaladda Guddoomiye Yariisow?

Posted: July 28, 2019 at 7:21 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo dhaawacyada kale ee Isbitaalka kula jira. Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Qadar C/Rizaaq Faarax Cali Taano, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee bukaannada weerarradii Xarunta aqalka dowladda hoose iyo Qaraxii KM4 ay soo […]

No Comments read more

Ciidanka Somaliland Iyo Kuwa Korneel Carre Oo Dagaallamay

Posted: July 27, 2019 at 6:42 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka saaka ka imaanaya tuulada Karin oo hoostagta degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegayaa in halkaasi uu saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda la baxday Dulmidiid ee uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac Caarre. Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa sida ay sheegeen dadka deegaanka saaka weerar ku qaaday ciidamada jabhadda Caarre […]

No Comments read more

Maxaa Ka Socda Magaalada Kismaayo?

Posted: July 27, 2019 at 6:41 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in ay ka socdaan shirar iska soo horjeedo oo looga hadlayo doorashada Maamulkaas. Kulamada qaar kamid ah waxaa yeelanaya Madaxda dhaqanka, Guddiga Doorashada iyo Musharixiinta. Odoyaasha dhaqanka waxa ay doonayaan in si rasmi ah u maamulaan Doorashada iyo xulista Xildhibaanada […]

No Comments read more

QM Oo Adkeysay Ammaanka Xarumaheeda Magaalada Muqdisho

Posted: July 27, 2019 at 6:40 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Amaanka xarumaha Hay’adaha qaramada Midoobey ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii todobaadkii hore lala beegsaday xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho. Weerarkaas oo ay Al-shabaab mas’uuliyaddiisa sheegatay waxaa ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan oo xarunta Gobolka tagay. Weerarkaas waxaa la horreeyay weerar […]

No Comments read more

Aqalka Sare Oo Ka Doodaya Sharciga Shidaalka

Posted: July 27, 2019 at 6:39 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ka mid ah kalfadhigooda 5aad,waxaana xildhibaannada xalayba lagu wargeliyay in ay kulanka xaadiraan. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah mid si gaar ah isha loogu hayo waxaana ka mid ah hindise sharciyeedka Batroolka iyo sharciga xaqsiinta Ciidanka. Xeerka Batroolka ayaa dhawaan waxaa meel mariyay Golaha shacabka Soomaaliya […]

No Comments read more

Taliyaha Cusub Ee AFRICOM Oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Posted: July 27, 2019 at 6:37 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa Jimcihii shalay yeeshay Taliye cusub, kaddib xil wareejin ka dhacday Xarunta ugu wayn taliskaas ee ku taalla Dalka Germany. Gen. Stephen J. Townsend, ayaa waxaa uu safarkiisa ugu horreeya ku imanayaa Magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AFRICOM. Sababaha uu u imanayo waxaa ka mid ah […]

No Comments read more

AMISOM Oo Ballan Qaadday u Hoggaansamidda Xeerarka Caalamiga Ah

Posted: July 25, 2019 at 11:05 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ergeyga Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madeira ayaa ballanqaaday in howlgalka AMISOM uu ku dhegganyahay kuna dhegganaanayo ilaalinta xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. Mr Madeira ayaa xaaladdan xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan qeybta AMISOM uga warbixinayay Bahame Tom Mukirya oo ka mid ah Guddiga madaxabanaan ee la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Danjire […]

No Comments read more

Sacuudi Carabiya oo Cambaareysay weerarkii gobolka Banaadir

Posted: July 25, 2019 at 11:03 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. “Waxaannu si kulul u cambaareynaynaa weerarkii argagixso ee ka dhacay Muqdisho, waxaana xoojinaynaa garab istaagga Soomaaliya ee aan ku garab taagannahay la dagaallanka argagixsada iyo xagjirnimada. Weerarkan oo […]

No Comments read more

Sawirro: Ajaaniib Ka Dhinac Dagaallami Jirtay Al-shabaab Oo La Qabtay

Posted: July 25, 2019 at 7:54 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada amaanka dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo bandhigay sawirrada saddex nin oo ay sheegeen in ay ajannabi yihiin, kuwaas oo u dagaallamayay AL-shabaab. Saraakiisha Hay’adaha amniga Jubaland ayaa sheegay in saddexda Nin ee u dagaallamayay Al-shabaab ay ka soo jeedaan Dalka Tanzania. Saddexda Nin ayaa lagu qabtay duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada hoose halkaas […]

No Comments read more

Xukuumadda Oo Magacawdat Guddi Gurmad

Posted: July 25, 2019 at 7:48 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaare ku xigeenka xukuumadda SOomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa uu magacaabay Guddi gurmad u sameeya dadka ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa waxaa ka mid ah lix wasiir, afar xildhibaan, agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xubno kale oo uu ka mid […]

No Comments read more

BFS Oo Ka Hadlay Qaraxii Xarunta Dowladda Hoose

Posted: July 25, 2019 at 7:46 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal SH. C/Raxmaan ayaa sheegay in uu ka tacsiyadeynayo weerarka lagu qaaday xarunta Gobolka Banaadir. Maxamed Mursal ayaa caafimaad u rajeeyay dhibbanayaasha ku dhaawacmay weerarka ee uu ka mid yahay duqa caasimadda […]

No Comments read more

Weerarkii Gobolka Banaadir Oo La Sheegay Halka Laga Hagayey

Posted: July 25, 2019 at 7:42 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa sheegay in weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday xarunta dowladda hoose laga hagayay gudaha xarunta. Tuulax; ayaa sheegay in dib loo baarayo kaamirooyinka ku xiran xarunta Gobolka islamarkaana la hubinayo in Haweeneyda isqarxisay ay cid kale la shaqeyneysay taas oo ka tirsan […]

No Comments read more