Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Sucuudiga oo Berbera dib ugu celiyay Markab wada 20 Kun oo Neef

Posted: July 13, 2019 at 12:56 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Sucuudiga ayaa Dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday 20kun oo Neef oo Ari ah, kaas oo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Dekadda Magaalada Berbera. Saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay in Markabka markii uu ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah la weydiiyay warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka ah ay bixiso lagana waayay. […]

No Comments read more

Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Kismaayo

Posted: July 13, 2019 at 12:53 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo. War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala […]

No Comments read more

Labada Aqal Ee BFS Oo Xalliyey Khilaafkii Ka Dhaxeeyay

Posted: July 13, 2019 at 5:29 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayey Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku sheegeen in ay ka heshiiyeen khilaafkii muddaba u dhaxeeyay. Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in khilaafkii muddada dheer u dhaxeeyay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ku soo dhamaaday isfaham islamarkaana heshiiyeen. Waxaa uu ballanqaaday in uu si […]

No Comments read more

Musharrax u Taagnaa Xilka Madaxweyne Jubbaland Oo Ku Dhintay Weerarkii Hotelka Cascasey

Posted: July 13, 2019 at 5:28 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka inaga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saakay la soo afjaray weerarkii lagu qaaday Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo. Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ah Maxamed Shuuriye, oo ahaa musharrax u taagnaa qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa xalay ku hoyday dhismaha Hotelka, […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Weerarkii Al-shabaab Ee Kismaayo

Posted: July 13, 2019 at 5:24 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo. War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu amray Hay’adaha ammaanka in ay sare u qaadaan sugidda ammiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumadda faray in si degdeg ah ay u soo […]

No Comments read more

Wararkii Ugu Dambeeyey Weerarka Kismaayo

Posted: July 13, 2019 at 5:23 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Al-shababa ayaa weerar ku bilowday qarax gaari oo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen maqribkii shalay, Hotelka Cascaseye ee magaalada Kismaayo. Rag hubeysan ayaa gudaha u galay qaraxa kadib Hoteelkaasi, kuwaasi oo bilaabay iney toogtaan dadkii gudaha Hotelka ku jiray. Ciidamada Jubbaland iyo raggii ka tirsanaa Al-shabaab ee Hotelka galay ayaa Illaa iyo saakay ku […]

No Comments read more

Madaxweynaha DFS Oo Helay Casumaadda Shirka Ruushka Iyo Africa

Posted: July 11, 2019 at 9:10 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ka helay martiqaad rasmi ah oo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka Ruushk iyo dalalka Afrika oo 24-ka bisha Oktoobar ka dhici doona magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Casuumaadda madaxweynaha waxaa soo gaarsiiyay danjiraha cusub ee Moosko dhawaan usoo magacawday Muqdisho Mikhail Golovanov. Shir madaxeedka […]

No Comments read more

Musuqa Oo La Sheegay Inuu Ku Xooggan Yahay Africa

Posted: July 11, 2019 at 6:03 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Transparency International , ayaa soo saartay warbixin sanadeed ku saabsan maalinta musuq maasuqa Caalamka,waxaana ay si gaar ah ugu eegtay Qaaradda Afrika. 47,000 oo qof oo Dadka ku nool 35 Dal oo  ah Qaaradda Afrika ayaa lagu sameeyay sahan ku saabsan musuqa iyo sida ay ku helaan adeegyada dowladda sida Caafimaadka iyo waxbarashada. Ra’iyi […]

No Comments read more

Maxaa Ka Jira Kulanka Madaxweyne Farmaajo Iyo Kenyatta?

Posted: July 11, 2019 at 6:02 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal heynta warbaahinta Saddexda dal ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan kulanka labada Madaxweyne. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Adis ababa sida ay baahisay Warbaahinta. Axmed ayaa sheegay […]

No Comments read more

Puntland Oo Dhaliisay RW Kheyre

Posted: July 11, 2019 at 5:59 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaliil u jeedisay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/Raxmaan Dhabana-cad ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirro kale ay Garowe uga tageen sidii Ra’isalwasaaraha ugu soo dhaweyn lahaayeen Gaalkacyo qeybteeda Waqooyi. Waxaa uu sheegay in Ra’isalwasaaraha uu diiday soo dhaweyntooda islamarkaana ay dalbadeen in […]

No Comments read more

Axmed Madoobe Iyo Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya Oo Kulmay

Posted: July 10, 2019 at 8:17 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay xubno katirsan Golayaasha Maamulka waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland waxaana Safiirku uu sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha amaank iyo […]

No Comments read more

Safiirka Ruushka Oo Warqadihiisa Aqoonsiga Ku Wareejiyey Madaxweyne Farmaajo

Posted: July 10, 2019 at 8:13 pm   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya. Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada […]

No Comments read more