Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

DFS Oo Shaacisay Waqtiga Ay Bixineyso Mushaarka Ciidanka Ahlu-sunna

Posted: July 10, 2019 at 7:16 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay billaabeyso bixinta Mushaarka Ciidamadii  Ahlu Sunna ee ay dhawaan la wareegtay dowladda Soomaaliya. Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyte ayaa Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in laga billaabo Bisha sideedaad ee sanadkan ay dowladda Federaalka ah bixineyso mushaarka Ciidamada Ahlu Sunna ee ku biiray dowladda. Waxaa uu xusay […]

No Comments read more

Ayax Ka Tagay Yemen Oo Ku Wajahan Somaliland

Posted: July 10, 2019 at 7:14 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Somaliland ayaa ka qaylo dhaamiyay Ayax ay sheegeen in uu kaga soo wajahan yahay xeebaha Dalka Yemen. Muqtaar Cabdiraxmaan Cilmi oo ah Madaxa Xafiiska kahor tagga Ayaxa iyo Cayayaanada xuduudaha isaga gudba ee Wasaaradda Beeraha Maamulka Somaliland ayaa dalbaday in laga gacansiiyo sidii looga hortagi lahaa si uusan ugu faafin deegaanka. Waxa uu sheegay in […]

No Comments read more

Al-shabaab Oo Weerar Ku Ah Nairobi

Posted: July 10, 2019 at 7:13 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in AL-shabaab ay qorsheynayaan weerarro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya. Weerarka ayaa la sheegayaa in Al-shabaab qaadayaan bilaha July iyo August midkood sida ay sheegeen sirdoonka Kenya oo sheegay in ay heleen xog dhinaca amaanka ah. Waxaa ay xogtooda ku sheegeen in AL-shabaab ay beegsanayaan goobaha dalxiiska oo ay […]

No Comments read more

Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Lagu Toogtay Muqdisho

Posted: July 10, 2019 at 7:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda Nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa kala ah; Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane & Abshir Maxamed Xaaji. Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen […]

No Comments read more

Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Xoogeystay

Posted: July 9, 2019 at 8:16 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan 20 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen kaddib dagaal beeleed saacadihii la soo dhaafay ka socday Gobolka Sanaag. Dagaalka u dhaxeeya labada Malleeshiyo beeleed oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa aad u xoogeystay Isniintii shalay ahayd. Waxaa uu ku fiday […]

No Comments read more

Miino Ku Qaraxday Gaari Ay Shacab Saarnaayeen, J/hoose

Posted: July 9, 2019 at 8:13 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka naga soo gaaraya Degmada DHoobley ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen Miino la kacday Gaari ay la socdeen. Tirada dadka dhimatay ayaa la isku khilaafsanyahay iyada oo saraakiisha caafimaadka Dhoobley ay sheegayaan in saddex qof oo rayid ah ku dhinteen qaraxa. Nuur Biixi oo ah isu duwaha […]

No Comments read more

Duqa Muqdisho Oo u Digey Ciidanka Xoogga Dalka

Posted: July 9, 2019 at 8:11 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro la xiriira dhinaca amniga si loo sugo amniga Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiinta dhinaca amaanka oo xalay ka qeybgalay shirka Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa laga soo saaray amarro dhowr ah. Duqa Muqdisho oo ka hadlayay kulankaas ayaa u digay Ciidanka xoogga dalka ee Tuutahooda ku dhexmara […]

No Comments read more

Medeira oo bogaadiyay howlgallada Ciidamada Xoogga Dalka

Posted: July 9, 2019 at 8:09 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxa AMISOM ee Soomaliya, danjire Farncisco Madeira ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dib ugu xoreynayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Mar uu hadal ka jeedinayay gabagabada kulan looga hadlayay qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay naftoofda u hureen sidii ay uga adkaan lahaayeen al-Shabaab. “firfircoonida […]

No Comments read more

RW Kheyre Oo Gaaray Gaalkacyo

Posted: July 8, 2019 at 6:41 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer […]

No Comments read more

Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Xeerka Saxaafadda

Posted: July 8, 2019 at 6:39 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya. Xeerkan oo ay Xildhibaannada saaka mariyeen aqrinta 3aad ayaa markii ay dhameeyeen kaddib cod loo qaaday waxaana oggolaatay 139 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusan mana jirin Xildhibaan diiday. Xeerkan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaankii sagaalaad,waxaase la […]

No Comments read more

Amniga Muqdisho Oo Laga Shiray

Posted: July 8, 2019 at 8:02 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kulankaan looga hadlayay amniga Caasimadda ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shir gudoomiyay fadhigaan oo la isaga xog wareysanayay Amniga Caasimadda iyo howlgaladii ugu dambeeyay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kulanka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta in howlgalo lagu soo […]

No Comments read more

Dagaal Ka Dhacay Sanaag

Posted: July 8, 2019 at 7:57 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Inta la xaqiijiyay Lix ruux ayaa ku dhintay Afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal gelinkii dambe ee shalay Labo malayshiya-beeleed ku dhexmaray nawaaxiga degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay degaanka Duud-Carraale oo hoosyimaada degmada Ceel Afwe ee gobolka Sanaag kadib markii ay mid kamid ah labada […]

No Comments read more