DFS Oo Guryo Ku Wareejisay Dad Rayid Ah
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u habeyn ku sameysay guryo ku yaalla deegaanka Sabiib Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo ku burburay dagaalladii ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray halkaasi. Waxaa guryahan lagu sameeyey dayactir, waxaana dib loogu wareejiyey dadkii lahaa, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Sabiib Caanoole. Munaasabaddan waxaa goob […]
Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Kala Kulmay Guinea?
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gaaray dalka Guinea halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay. Mas’uuliyiin ka tirsan Guinea ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey madaxweyne Biixi iyo wafdigii la socday, iyadoo intaasi kadib halkaasi diyaarad Helicopter ah looga qaaday. Waxaa la geeyey Hoteel gaar ah oo loogu talogalay, iyadoo maantana uu si […]
Kheyre Oo Safar Ku Tagay Guriceel
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Degmada Gurigeel ee gobalka Galguduud. Gudoomiyaha Degmada Guriceel Cabdulaahi Maxamed Barre oo ugu horeyn Ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay Guriceel ayaa sheegey in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ka dalbanayaal Layrarka Cadceeda […]
Somaliland Oo Joojisay Shir Ka Dhici Lahaa Hargeysa
Maamulka Somaliland ayaa joojiyay shir uu sanduuqa xasilinta Soomaaliya ku qaban lahaa Magaalada Hargeysa kaddib markii Somaliland ay sheegtay in sanduuqaas uusan fasax ka qaadan. Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ayaa u sheegtay Wakiillada Caalamka ee shirkaas ka qeybgeli lahaa in aysan ku lug go’in Hargeysa. Wasaaraddu waxaa ay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in arrimaha Soomaaliya […]
DFS Oo La Wareegtay Ciidankii Ahlu-sunna
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlusunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo taliyaasha ciidanka qalabka […]
Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya Oo Sii Xoogeystay
Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa aad usii xumaanaya xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, xillli Labadan dal uu ka dhaxeeyo muran dhanka badda ah. Macharia Kamau, waa xoghaye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya, safar uu ku tagay Somaliland ayaa mar uu faah faahinayey wuxuu sheegay iney Somaliland dal tahay, taasi oo ka carreysiisay […]
Xasan Sheekh Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaallo Ka Socda Hiiraan
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u direy beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay Xasan, iney aad uga xun yihiin dagaalladan, isaga oo u sheegay dhinacyada is haya in khilaafkooda ku xalliyaan miiska wadahadalka. “Dhulkaasi meel lagu dagaallamo ma ahan, walaalayaan waxaan […]
Dhageyso: RW Kheyre Oo Mar Kale Shaaciyey Halka Lagu Qabanayo Doorashada Galmudug
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale wuxuu ka hadlay halka lagu qaban doono doorashada dowlad goboleedka Galmudug. Wuxuu tilmaamay in magaalada Dhuusamareeb ay noqon doonto halka doorashadaasi ka dhici doonto islamarkaana aanay jiri doonin in meel kale loo weeciyo. Kheyre ayaa sheegay in shacabka Dhuusamareeb yihiin kuwo aad uga shaqeeyey […]
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Safiirada Caalamka Ee Ku Sugan Muqdisho
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay wuxuu Villa Somalia casho sharaf lagu weyneynayo Todobaadka xorriyadda ugu sameeyey diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray, wuxuuna […]
Qatar Airways Oo Duulimaad Ka Bilaabaysa Muqdisho
Shirkadda diyaaradaha ee ee dalka Qatar, Qatar Airways ayaa maanta lagu wadaa inay duulimaadkeedii u horreeyey ku timaado magaalada Muqdisho. Diyaarad nooceedu yahay Airbus A320 -232 ayaa lagu wadaa inay duulimaadka billowdo, taas oo ku soo horreyn doonta dalka Jabuuti ka hor gelinka dambena soo caga-dhiganaysa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, […]
Shaqaale Ajaaniib Ah Oo Lagu Weeraray Berbera
Shan ka mid ah shaqaalaha Ajannabiga ah ee ka howlgala Magaalada Berbera ayaa uu dhaawac soo gaaray markii ay weerar kale kulmeen shaqaale kale. Shaqaalaha weerarka geystay ayaa lagu sheegay in ay Soomaali yihiin,kuwaas oo ka careysan shaqada ay hayaan shaqaalaha ajannabiga ah. Shaqaalah Soomaalida ah ayaa ku dooday in shaqada la siiyay kuwa Ajannabiga […]
Xukuumadda Oo Ku Dhowaaqday Halka La Dhigayo Gogosha Dib u Heshiisiinta Galmudug
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kaga dhowaaqay magaalada Dhuusamareeb, in magaaladaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug. Wuxuu sheegay Kheyre, in magaaladaasi ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, sidaasi darteedna ay u garteen in gogosha la dhigo. “Dhuusamareeb waxay buuxisay shuruudihii loo baahnaa, sidaasi darteed waxay martigelin doontaa shirka […]