Wasiir Janan Oo Maxkamadda Gobolka Banaadir Kasoo Muuqday
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka soo muuqday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubaland iyo sarkaal la sheegay in uu ahaa Taliyaha Ciidan ka howlgeli jiray Doolow. Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada […]
Wasiir Geelle “DFS Dulmigeeda Waxaa Daliil Weyn u Ah Weerarkii C/raxmaan C/shakuur
Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa isaga oo ka qeybgalayey barnaamij dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho wuxuuu ku dheeraaday ka hadalka arrimo ku aaddan gabood fallada ay geysato DFS. Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii DFS ku qaadday hoyga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame. Wuxuu sheegay […]
Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey. Dacwaddan ayaa la xiriirta xudgudubka Hawada Soomaaliya oo ay ku dhaqaaqday diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Saraakiil ka tirsan Hay’adda Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in warqadda ashtakada ah loo gudbiyay Hay’adda ICAO. Dacwadda […]
Muxuu soo kordhiyey Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?
Dastuurka kmg ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la ansixiyey 2012 ayaa xeeriyey in Nidaamka xeerdejinta Soomaaliya uu noqodo laba gole (Bicameral system) oo kala ah golaha Shacabka iyo Aqalka sare, hayeeshee 4 sano kaddib muddada la ansixiyey dastuurka kmg ah ayuu aqalka sare kusoo biiray hannaanka xeerdejinta Soomaaliya, haddaba muxuu Aqalka sare kusoo kordhiyey dhismaha dowladnimada […]
ICJ oo todobaadka soo socda dib u eegis ku sameyneysa Kiiska Badda
Maxkamadda ICJ ayaa todobaadka soo socda lagu wadaa in ay dib u eegis ku sameyso codsi saddexaad oo ay dalbatay dowladda Kenya kaas oo markan ay dowladda Soomaaliya iska diidday. Codsiga Kenya ayaa ah in dib loo dhigo dhegeysiga kiiska ilaa September 2020ka, Maxkamadda ICJ ayaa arrintaas ka talo gelisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya […]
Axmed Madoobe oo si kulul ula hadlay dowladda Federaalka ah
MadaxweynahaMaamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa mar kale ka hadlay siyaasadda guud ee dalka iyo go’doominta isaga lagu sameeyay. Dhinacyo badan ayuu Axmed Madoobe kaga hadlay Khudbad uu ka jeediyay Kismaayo xalay,waxaana uu hadalkiisu ahaa; Axmed oo ka hadlay xaalada uu dalka marayo iyo si gaar ah arimaha Jubbaland wuxuu sheegay in kadib Doorashooyinkii Baarlamaanka […]
Maraykanka Oo Sanadkan Soomaaliya Ku Bixyey $498 Milyan
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lacag ku dhow $500Milyan oo doollar ay ku bixisay Soomaaliya sanadkan 2019ka oo kali ah. Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Kaalmada ee USAID ayaa waxaa ay sheegtay in guud ahaa sanadkan ay Soomaaliya ku bixisay taageero dhaqaale oo gaaraya $498Milyan . Waxaa ay shalay ku dhawaaqday $257 Milyan oo doollarka Mareykanka […]
Taliye ka tirsanaa Ciidanka DANAB oo qarax lagu dilay
Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in askar shalay ku dhimatay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha iyo Afgooye uu ka mid ahaa Taliyihii 3aad Ciidanka DANAB oo uu tababaray Mareykanka. Maxamed Cali Cismaan oo ku magac dheeraa (Maxamed Yare) ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa Ciidamo gaarayay lix askari oo shalay […]
Kheyre oo Wafdi kasocda Kenya la qaatay Kulan qarsoodi ah!
Sida uu Boggiisa Twitter-ka kusheegay Ababu Namwamba Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya kulanka dhexmaray Wafdiga Kenya iyo Raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu kusaabsanaa arrimo u dan ah labada waddan Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka oo loo badinayo in uu kadhacay meel kabaxsan xafiiska Raisalwasaare Kheyre ayaa sida uu shaaciyey Ababu Namwamba waxa kaqaybagalay Danjiraha […]
Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay Askari dil u geystay Askari kale
Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa […]
Deni: “waan ka xumay in shirka intaas la eg ee Xamar ka furmay aan baraha Bulshada ku aragno”
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku bahdishay shirka Muqdisho. Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in shirkaas aan laga talo gelinin sidoo kalena shirkaas Ajendahiisa ku arkeen kaliya Baraha Bulshada. Deni ayaa intaas ku daray in Puntland shirkaas laga siiyay shan daqiiqo khudbad […]
Xildhibaano Kenyaan ah oo lagu eedeeyay in ay heystaan dhalashada Soomaaliya
Hay’adda u dhaq dhaqaaqda anshaxa iyo ka hortagga Musuqa oo ka jirta Dalka Kenya ayaa waxaa ay dacwad ku soo oogtay 10 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya. Tobanka XIldhibaan ayaa lagu eedeeyay in ay kala heystaan dhalashada Soomaaliya, Itoobiya, UK, Mareykanka, Gariigga iyo kuwo kale. Afar ka mid ah Xildhibaannadaas waxaa ay […]