Jubbaland Iyo Puntland Oo Qaadacay Shirka SPF
Waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan 50 dowladood iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira. Wararka ay heshay Maandeeq News ayaa sheegaya in shirkan aanay ka qeybgali doonin dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. DFS ayaa warqad casumaad ah u dirtay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani, […]
Xildhibaannada Gaarisa oo gacanta isulatagay kaddib muran ka dhashay dastuurka Kenya
Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho ayaa gacanta isula tagay kaddib markii ay isku qabteen wax ka beddel lagu sameynayo dastuurka Kenya. Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo ku dhaawacmay Gacan ka hadalka ayaa la dhigay Isbitaallada Gaarisa. Guddoomiyaha Baarlamaanka Gobolka Gaarisa Axmed Cabaas ayaa waxaa uu ganaaxay qaar ka mid […]
Shirka Madasha wadatashiga Somaliya oo maanta ka furmaya Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shir soconaya muddo 2 maalmood ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Shirkan oo lagu magacaabo madasha heerka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu noqonayaa mid ay ka qeybgelayaan dhamaan waddamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ka qeybgelaya Dowlad Goboleedyada xubnaha […]
Mareykanka oo duqeyn uga jawaabay weerarkii Balli Doogle
War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lagu dilay 10 ka mid ah Al-shabaab kaddib weerarkii shalay ka dhacay Balli Doogle. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar jawaab u ahaa kii ay Al-shabaab gelinkii hore ee shalay ku qaadeen Balli Doogle uu ka dhacay agagaarka Garoonka islamarkaana lagu dilay toban […]
Xildhibaanno Federaalka Ah Oo Ku Xayiran Kismaayo
Ku dhawaad toban Xildhibaan oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xanniban Magaalada Kismaayo. Xildhibaannadan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u diidday in diyaarado ka soo raacaan Magaalada Kismaayo si ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in markii […]
Soomaali Lagu Laayay Itoobiya
Wararka ka imanaya Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 Qof oo Soomaali ah lagu dilay dagaal ka dhacay gobolkaas. Qof ka mid ah Dadka degaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dagaalka oo uu sheegay in Cafarta ku qaadeen degaankooda lagu dilay 14 Soomaali ah 7 kalena lagu dhaawacay. […]
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sharciga la mariyay Ciise Tarabuun
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal shalay ka soo baxay Dowladda Kenya oo ahaa muwaaddin Soomaali ah horayna AL-shabaabnimo loogu xiray Muqdisho in la siidaayay markii sharciga la mariyay. War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir lagu […]
Ciidanka DFS Oo Toogtay Nin Dhigayey Miino
Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen Nin ay sheegeen in uu Miino ku aasayay duleedka degaanka Gololey oo 10km u jira Degmada Balcad. Korneyl Cali Maadow oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan duleedka Balcad ayaa sheegay in qofka […]
Kenya oo sheegtay in uu dalkeeda galay sarkaal ay horay u xirtay Soomaaliya
Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab uu 24kii Bishan galay dalkeeda iyada oo shacabka ku wargelisay in ay xogtiisa la wadaagaan Saldhigga Boolis ee ugu dhow. Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Waxiid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun ayey dowladda Kenya sheegtay in uu dalkeeda galay 24kii […]
Xubno Al-shabaab Ah Oo Lagu Dilay Sh/hoose
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar xalay ka dhacay duleedka Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa AL-shabaab. Duqeynta oo ay geysteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa lagu sheegay in lagu dilay Xasan Abshir Jbrill oo ku magac dheer Jiiroow. […]
Sucuudiga oo diidday Danjiraha Soomaaliya u magacowday Riyad
Dowladda Sucuudiga ayaa iska diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir; oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, kaasoo wali aan shaqa gelin. Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu […]
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Safaaradda Soomaaliya ee Washington
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka […]