Dacwad Lagu Soo Oogay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya
Sharikad qaabilsan dhismaha oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Sharikadda ayaa sheeganeysa in lacag ka badan $200,000 oo doollarka Mareykanka ah ku leedahay safaaradda kaddib markii ay dayactir ku sameysay. Doodda ayaa ka dhalatay kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaas uu safaaradda tagay isaga oo […]
Jubbaland Oo Ka Hadashay Weerarkii Garyaqaan Qalyare
Maamulka Jubbaland ayaa Alshabaab ku eedeysay in ay ka dambeyso weerarka bukaate Axmed Jaamac Maxamuud guddoomiyaha golaha la baxay badbaadada Jubaland Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar kuqaadday Abukaate Axmed Jaamac Maxamuud guddoomiyaha golaha la baxay badbaadada Jubaland, Axmed Jaamac ayaa ladhigay isbitaalka Kismaayo kaddib dhaawac culus oo kasoo gaaray weerarkaas. Maamulka Jubaland ayaa eedda […]
Dad ku dhintay qarax ka dhacay Diinsoor
Ugu yaraan shan qof oo ay ka midyihiin dad rayid ah ayaa ku dhintay markii qarax ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday. Weerarkaas qaraxa ah ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah […]
Al-shabaab oo Ergooyin ku soo bandhigay Xarradheere
Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug waxaa ay ku soo bandhigeen qaar ka mid ah Ergooyinkii wax ka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in 90 ka mid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Soomaaliya lagu soo bandhigay Magaaladaas. Waxaa ay ka mid noqonayaan Boqolaal Ergooyin ah oo ku sugan degaannada ay […]
Kheyre Oo La Kulmay Waxgaradka Bakool
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Magaalada Xudur kula kulmay maamullada degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka , ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka Bakool. Maamulladda iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku tagay gobalka Bakool ayaa la wadaagay baahiyha ay qabaan bulshada gobalka […]
QM: 250 Kun Soomaali Ah Ayaa Ku Barakacay 7 Bil Gudaheed
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dad ka badan 250,000 oo qof oo Soomaali ah ku barakaceen Gudaha Soomaaliya todobadii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2019ka. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey waxaa ay ku sheegtay in Bilihii January ilaa July ee sanadkan 2019 ay barakaceen dadkaas iyaga oo barakacoodu ka dhashay abaarta iyo colaadaha ka […]
Kheyre Oo Wareejiyey $150,000 Si Loogu Dhiso…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wareejiyay lacag lagu dhiasyo Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo. Lacagtaan oo dhan Boqol iyo konton Kun oo Doolar ($150,000) waxaa la wareegay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, si dhismaha Garoonka loo bilaabo. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ballanqaaday lacagta lagu hagaajinayo Garoonka Dr. Ayuub oo ah […]
Madaxweynaha Oo Ka Qeybgalaya Shirka Golaha Guud Ee QM
Maadxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkan Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka uga qeybgalaya shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Newyork waxaa shaaciyay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan Magaalada Baydhaba. Ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirka guud ee Qaramada Midoobey waxaa ay ku soo […]
Xaalad Dhanka Nolosha Ah Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Gedo
Xasan Muxumud Cali Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo ayaa sheegay in dadka kunool deegaano hoostaga Degmada ay la dhibaateysan yihiin Xaalado bani aadamnimo oo soo wajahday. Gudoomiye Xasan waxa uu tilmaamay in dhibaatada heysata oo muddo soo jiitameysay ay sababtay in dadka deegaanka ay barakacaan. Xasan waxa uu sheegay in dadkaan ay ku tiirsanaayeen Wabiga, balse markii […]
Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Turkiga
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay muhaajiriin farabadan oo ay Soomaali ka midyihiin. Dadka la qab qabtay waxaa ay tiradoodu gaareysaa 236 qof,kuwaas oo u kala dhashay dalalka kala ah; Syria, Somalia, Morroco, Bangladesh, Iraq, Afghanistan iyo Congo waxaa ay doonayeen in ay gaaraan Jaziiradda Gariigga ee Chios sida ay uga sii […]
DFS Oo Ka Hadashay Dhibaatada Lagu Hayo Soomaalida K/Afrika
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada maalmahan dambe lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika. Qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay, in ay dowladda aad uga xun tahay dhibaatooyinkaasi, ayna ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkaaso jooga iney taxaddaraan. Hoos ka akhriso:
Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug Oo Maanta Furmaya
Maanta oo Khamiis ah, waxaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ka furmaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in shirkan uu furo, waxaana ka qeybgalaya beelaha Galmudug. Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM. […]