Newsletter subscribe
Xulashada Tafatiraha

Kenya Oo Cayrisay Qareenno ku Matalayey ICJ

Posted: September 4, 2019 at 7:26 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay ceyrisay lix Qareen oo caalami ah kuwaas oo dowladda Kenya ku matalayay kiiska Badda ee ICJ ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki, ayaa iksu afgartay in la ceyriyo lix qareen oo Caalami ah sidoo kalena waxaa ay Maxkamadda […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka

Posted: September 3, 2019 at 10:37 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddiga gaar ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xalay Kullan la qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ,Iyo Xildhibanada Baarlamanka Koonfur Galbeed. Guddiga ayaa Madaxweynaha ugu warbixiyay Ujeedda ay soo gareen Baydhabo,Waxna Guddomiyaha Guddigaasi Madaxweynaha Usheegay In Ay kullamo ay la qadan Doonan Bulshada Reer Koonfur galbeed iyo Madaxdooda Si ay Fikirkooda […]

No Comments read more

Kenya oo ku baaqday in Garsoore Cabdi Qawi laga saaro dhegeysiga kiiska Badda ee ICJ

Posted: September 3, 2019 at 7:49 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa gadaal ka riixeysa hay’ad la baxday PAF oo sheegata in ay tahay urur u dooda arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika. Ururkan oo ay hoggaaminayaan koox Kenyaan ah ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dhegeysiga kiiska Badda laga reebo Garsoore Cabdi Qawi oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ sidoo kalena Soomaali ah. David […]

No Comments read more

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Posted: September 2, 2019 at 8:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay halka afar kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Gaari NOAH ah oo laga buuxiyay walxaha qarxa u ku qarxay isgoyska gaar ahaanna dhinaca degmada Deyniile oo uu ka galay […]

No Comments read more

Somaliland Oo Kahor Timid Heshiis Ay Galeen DFS Iyo EU

Posted: September 2, 2019 at 8:35 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland waxa ay kaga hor yimaadeen heshiiskii Dowladda federaalka iyo midowga Yurub ay kala saxiixdeen 31-dii Bishii ina dhaaftay ee Agoosto. Heshiiska waxaa uu ku saabsanaa sidii loo hirgelin lahaa dhismaha waddooyin ku yaalla Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera, waxaana loogu magac daray duqii hore ee Muqdisho AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng […]

No Comments read more

Kenya: Annaga ayaa nalagu beegsanayaa xayiraadda diyaaradaha ee Kismaayo

Posted: September 1, 2019 at 7:38 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya. Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley. Dowladda […]

No Comments read more

Kenya: Waan Ka Niyad Jabnay Go’aankii Golaha Ammaanka

Posted: August 31, 2019 at 6:50 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka niyad jabtay go’aanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ku diidday codsigii Kenya ee ahaa in Al-shabaab lagu daro Qodobka 1267 ee Golaha amaanka. Wasiir Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhibbane u tahay AL-shabaab oo sida uu sheegay […]

No Comments read more

Qorshaha AMISOM Ee Dhuusamareeb Iyo Guriceel

Posted: August 31, 2019 at 6:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka Maandeeq ay ka heleyso Gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan AMISOM ay tageen Magaalada Guriceel. Ciidamadaan waxaa loo qorsheeyay in ay sugaan ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Shiirkole oo lagu qabanayo Shirka dib u heshiinta Galmudug. Waxaa Dhuusamareeb tagay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee u dhashay Dalka Itoobiya […]

No Comments read more

DFS Oo Soo Saartay Ammar Adkeynaya Duulimaadka Kismaayo

Posted: August 29, 2019 at 8:30 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa soo saartay ammar ku aaddan duulimaadyada magaalada Kismaayo. Waxa ay sheegtay hay’adda in looga baahan yahay diyaaradaha tagaya Kismaayo ama ka imaanaya iney soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxya qoraal ku sheegtay Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Xukuumadda […]

No Comments read more

Ilhaan Cumar oo dhibbane u noqotay dadka caddaannimada ku weyntahay ee Mareykanka

Posted: August 29, 2019 at 8:17 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay wajaheysaa todobaad kale oo aad ay u hadak heyso warbaahinta Mareykanka. Todobaadkan Golaha Kongareeska Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay qaar ay doonayaan in ay u gudbiyaan Baarlamaanka Mareykanka kaas oo ku baaqaya in Ilhaan laga saaro Baarlamaanka Mareykanka. Musharrax u taagan Xildhibaan senate-ka  Mareykanka ee Gobolka […]

No Comments read more

QM oo diblomaasi Suudaan u dhashay u soo magacowday ku xigeenka James Swan

Posted: August 29, 2019 at 8:12 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey  Antonio Guterres ayaa waxaa uu soo magacaabay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay Dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada Dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay ku xigeenka James Swan oo laftiisa Mareykan ah. Aadan waxaa uu kale oo uu […]

No Comments read more

Mareykanka oo beeniyay duqeyn la sheegay in uu ka geystay Soomaaliya

Posted: August 28, 2019 at 6:40 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay Warbixinno ku saabsan weerarro 25kii ilaa 26kii Bishan August ka dhacay Soomaaliya oo la sheegay in ay ka dambeysay. War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in wararka ay baahiyeen warbaahinta guduhu aysan ahayn kuwo xaqiiqda ku saleysan. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu […]

No Comments read more