QM Oo Adkeysay Ammaanka Xarumaheeda Magaalada Muqdisho
Amaanka xarumaha Hay’adaha qaramada Midoobey ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii todobaadkii hore lala beegsaday xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho. Weerarkaas oo ay Al-shabaab mas’uuliyaddiisa sheegatay waxaa ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan oo xarunta Gobolka tagay. Weerarkaas waxaa la horreeyay weerar […]
AMISOM Oo Ballan Qaadday u Hoggaansamidda Xeerarka Caalamiga Ah
Ergeyga Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madeira ayaa ballanqaaday in howlgalka AMISOM uu ku dhegganyahay kuna dhegganaanayo ilaalinta xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. Mr Madeira ayaa xaaladdan xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan qeybta AMISOM uga warbixinayay Bahame Tom Mukirya oo ka mid ah Guddiga madaxabanaan ee la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Danjire […]
Sacuudi Carabiya oo Cambaareysay weerarkii gobolka Banaadir
War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. “Waxaannu si kulul u cambaareynaynaa weerarkii argagixso ee ka dhacay Muqdisho, waxaana xoojinaynaa garab istaagga Soomaaliya ee aan ku garab taagannahay la dagaallanka argagixsada iyo xagjirnimada. Weerarkan oo […]
Sawirro: Ajaaniib Ka Dhinac Dagaallami Jirtay Al-shabaab Oo La Qabtay
Ciidamada amaanka dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo bandhigay sawirrada saddex nin oo ay sheegeen in ay ajannabi yihiin, kuwaas oo u dagaallamayay AL-shabaab. Saraakiisha Hay’adaha amniga Jubaland ayaa sheegay in saddexda Nin ee u dagaallamayay Al-shabaab ay ka soo jeedaan Dalka Tanzania. Saddexda Nin ayaa lagu qabtay duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada hoose halkaas […]
Puntland Oo Soo Bandhigeysa Baaris Ay Ku Sameysay Dilkii Madaxii DP-world Ee Dekadda Boosaaso
Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu billaabay baaritaan u gaar ah oo ay ku ogaanayaan cidda ka dambeysay dilkii madaxii Hay’adda DPWorld ee Magaalada Boosaaso iyo qaraxyo Bishii May ka dhacay Magaaladaas. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowlad Goboleedkooda uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo bandhigayo baaris ay ku […]
4,247 Arday Oo Ku Dhacay Imtixaankii Dugsiyada Sare Ee Qaadday DFS
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2018/2019, sida ay Wasaaraddu sheegtay sanad-dugsiyeedka 2018/2019 waxaa Imtixaankan galay 29, 434 Arday. Imtixaanka 2018/2019 oo Wasaaraddu qaadday laba mar waxa kadhashay muran badan oo gaaray heer dowlad-goboleedyada qaarkood sida Puntland ay iskood u qaadaan Imtixaanka iyaga oo aan xiriir […]
Afghanistan Oo Qalab Caafimaad Ugu Deeqday Soomaaliya!
Dowladda Afghanstan ayaa markii ugu horreysay Qalab Caafimaad u soo dhoofisay Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka mid ah soo gaareen Soomaaliya. Hamidullah Khadim, oo ah madaxa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Herat ayaa sheegay in 25 nooc oo ah qalab caafimaad oo ay sameysay sharikadda Asia Pharma loo diyaro Soomaaliya. Markabkii ugu horreeyay ee wada Saddex […]
Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho
Waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee uu sababay qarax saaka baqadii ka dhacay agagaarka bar koontorool oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas iyada oo 3o kalena uu dhaawacyo kasoo gaaray sida ay ku warrameen saraakiisha caafimaadka. Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxmed Yuusuf ayaa sheegay […]
Guddoomiyahii Guddiga Dhismaha Wadada Boosaaso Oo Xabsi La Dhigay
Hay’adaha amaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Sheekh Maxamed Macallin Axmed ayaa ciidamadu xireen waxaana eedda ugu weyn ee xariggiisa tahay in uu diiday dib u celinta lacagta dowladda Federaalka ah ku bixisay dhismaha Waddada Boosaaso. Puntland ayaa xoray u xirtay saddex xubnood oo ka mid ah Guddiga […]
Dufaan Kusoo Wajahan Xadka Soomaaliya Iyo Kenya
Hay’adaha saadaasha Hawada ayaa ka digaya duufaan xoog leh oo ku wajahan Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho iyo Gobollada Xeebaha ee dalka Kenya. Ragga ku taqasusay cilmiga saadaasha Hawada ayaa sheegaya in biyaha Badda ay sare u kacayaan 3m Maalinta Isniinta ah ee Berri ah wixii ka dambeeyanaya ay si tartiib tartiib ah hoos […]
Dowladda Qatar Oo Bilowday Dhismaha Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye
Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta bilaaabatay iyada oo waddadaas iyo waddooyinka ku xeeran ay dowladda ku jartay dhagxaan waaweyn. Waddadan waxaa dhismaheeda ay qeyb ka tahay mashruucii Dowladda Qadar ku dhiseysay Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya. Dowladda Qadar […]
Puntland Oo Iska Diidday Ammar Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay amar uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo siiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ahaa sii deynta Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw -Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland midkoodna uusan awood u lahayn in la siidaayo […]