Newsletter subscribe
Xulashada Tafatiraha

Mareykanka oo sheegay in AL-shabab maamusho 20% dhulka Soomaaliya

Posted: October 26, 2019 at 9:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarradeeda Soomaaliya ka socda ay hoos u dhigeen AL-shabaab islamarkaana ay soo koobantay dhulka ay hadda ka maamulaan Soomaaliya. Agaasimaha Xiriirka dadweynaha Taliska Mareykanka ee Afrika, Chris Karns , oo wareysi siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA, ayaa sheegay in Al-shabaab ay Soomaaliya maamulayeen 90% ilaa 85% maantana ay ku […]

No Comments read more

Guddiga QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka oo eedeyn u jeediyay Soomaaliya

Posted: October 26, 2019 at 9:44 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Guddiga la socodka Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya ayaa dhaliilay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana ay soo jeediyeen in dib u habeyn lagu sameeyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya. Guddiga oo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uga warbixinayay xaaladda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay ku fashilantay in ay guddiga […]

No Comments read more

Wasiir Bayle “Ma Jiro Musuqa Soomaaliya Laga Sheego”

Posted: October 24, 2019 at 10:58 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in eedaha musuq maasuqa la xiriira ee ka dhanka ah Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku fadhiyin. C/Raxmaan Bayle ayaa sheegay in warbixinnada Hay’adda Transparency International ee Soomaaliya sanad kasta ka gelisa heerka ugu hooseysa ay yihiin aragti ay naga qabaan ee aysan ahayn wax […]

No Comments read more

Hoos u Dhac Ku Yimid Shirkadda DP World

Posted: October 24, 2019 at 10:54 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Sharikadda Dekadaha ee Dubai ayaa sheegtay in ay Bangiyada Caalamka ka la’dahay lacagaha deymaha ah ee ay maalgashiga ku sameyso kaddib khilaafkii dowladda Jabuuti dib ugula wareegtay Dekadda Dooraale. Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyaha Sharikadda Dubai Ports ayaa yiri: “wax waan maalgelinaa, laakiin qiimo badan ayey noogu kacdaa,halkaas weye halka uu dhaawac naga […]

No Comments read more

Xildhibaankii Uu Dhaawacay Guddoomiyaha Warsheekh Oo Dhintay

Posted: October 24, 2019 at 10:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha degaanka Magaalada War-sheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Xildhibaanka ayaa waxaa horay u dhaawacay Guddoomiyaha Degmada War-sheekh Xasan Xaaji Maxamed, kaas oo xilligii uu dhaawacayay la barayay sida loo adeegsado Baskooladaha. Dhaawaca Xildhibaanka ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka […]

No Comments read more

Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Oo La Magacaabay

Posted: October 24, 2019 at 10:50 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD oo waayadii dambe khilaaf ka taagnaa. Xilka Xoghayaha IGAD ayaa loo magacaabay Workeneh Gebeyehu, oo ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Itoobiya. Abiye ayaa warqaddiisa magacaabista ku sheegay Workeneh Gebeyehu, uu noqonayo xoghayaha IGAD islamarkaana uu beddelay Maxbuub Macalin oo u […]

No Comments read more

Ciidamada Midowga Yurub Oo Badbaadiyey Ciidan DFS Oo Doon Kula Rogmatay Sh/dhexe

Posted: October 23, 2019 at 10:17 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay badbaadiyeen Doon ay la socdeen Ciidamo ay leedahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ciidamada Soomaalida ah ayey Doonta kula qallibantay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ee loo yaqaano Atlanta ayaa sheegay in codsi uu uga […]

No Comments read more

Sheekh Shaakir Oo Magacaabay Guddiga Farsamada Ee Doorashooyinka Galmudug

Posted: October 22, 2019 at 6:49 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay Gudiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood oo uu sheegay in ay ku saleysanyihiin heshiiskii horay u dhaxemaray Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Galmudug. Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug oo la xiriira dhismaha […]

No Comments read more

Dowladda Federaalka oo Hay’adaha samafalka ku wargelisay in ay ka jawaabaan fatahaadaha

Posted: October 22, 2019 at 6:44 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay hay’adaha samafalka ee ka howlgala SOomaaliya ka dalbatay in ay si deg deg ah uga jawaabaan Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ka sameynayaan Gobollada Dalka. War- ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka walaacsantahay sare u kaca biyaha wabiyada […]

No Comments read more

450 Kun Qof Oo Ka Barakacay B/weyne

Posted: October 22, 2019 at 6:43 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in kumanaan dad ah oo degganaa Magaalada Beledweyne ay ka barakaceen Magaaladaas. Wasiirka Gargaarka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle oo ka sarreeya Magaalada uu Fatahaad sameeyay taasina ay sababtay in afarta Xaafadood ee Magaalada ay barakacaan. Roobka Deyrta ayuu sheegay in 17kii Bishan October ay fatahaadda ka billaabatay […]

No Comments read more

Al-shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Doonidii Ku Degtay Xeebta Marka

Posted: October 22, 2019 at 6:41 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in Doontii wadday Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Habeen hore ku qallibantay Xeebaha Magaalada Marka ay iyaga ka dambeeyeen. War ka soo baxay AL-shabaab ayaa lagu sheegay in Doonta ay la socdeen Ciidamada ay weerareen Ciidankooda islamarkaana ku dhufteen Qoriga Baasuukaha sidaasna ku degtay. Waxaa kale oo ay sheegeen in […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo Oo u Ambabaxay Russia

Posted: October 21, 2019 at 7:16 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Dalka Ruushka halkaas oo uu kaga qeybgelayo shir Caalami ah. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaana ay u duuleen Magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Magaaladaas ayaa waxaa 23ka Bishan ka furmaya shirka Ruushka iyo Afrika […]

No Comments read more