Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay Soomaaliya

Posted: November 13, 2019 at 8:56 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn ay ka fulisay Gobolka Jubada dhexe ee Koofurta Soomaaliya. Wra ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen Magaalada Jilib shalay oo ay Taariikhdu ahayd 12ka Bisha. Weerarkaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay hal qof oo […]

No Comments read more

Digniin Laga Soo Saaray Qaraxyo Ka Dhici Kara Magaalad Muqdisho

Posted: November 13, 2019 at 8:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay weerarro argagixiso oo ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Qoraal digniin ah oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa looga digay muwaaddiniinta u dhashay Ingiriiska in ay ka fogaadaan Magaalooyinka Soomaaliya marka laga reebo Hargesa iyo Berbera. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in ay jirto […]

No Comments read more

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo beeniyay in uu u gefay dadka lixaadkooda dhimanyahay

Posted: November 12, 2019 at 6:50 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa meesha ka saaray in uu gef u geystay dadka lixaadkooda dhimanyahay kaddib hadal ka soo baxay shalay. Taliyaha oo ka hadlayay goob lagu soo bandhigayay Ciidan uu qorayo Taliska Asluubta ayaa sheegtay in qof lug la’. qof Il la’ iyo qof kale oo waayeel ahba aan looga […]

No Comments read more

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo aqbashay xayiraadda Trump ee ka dhanka ah Muslimiinta

Posted: November 12, 2019 at 6:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa ogolaatay amar ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka kaas oo dadka ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale ka mamnuucayay in ay galaan Mareykanka. Maxkamadda sare ayaa sheegtay dib u eegis ay ku sameeysay go’aanka Trump uu dadka inta badan ka soo jeeda lix dal oo Muslimiin ah kaddib ku […]

No Comments read more

ONLF Oo Hoggaan Cusub Doortay

Posted: November 12, 2019 at 6:47 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka ONLF ee bari la dagaallami jiray Dowladda Itoobiya ayaa doortay Hoggaamiye cusub oo uu yeelanayo. Ergooyin ku dhow 600 qof ayaa waxaa ay Magaalada Godeey uga qeybgaleen shirweynaha Ururka oo lagu qabtay Magaaladaas waxaa lagu dooranayay hoggaanka Ururka. Guddoomiyaha Ururka ONLF waxaa loo doortay C/Raxmaan Sheekh Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaasha Ururka […]

No Comments read more

Madaxdii Qaranka Oo Dalka Ka Wada Maqan!

Posted: November 12, 2019 at 6:45 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Madaxda ugu sareysay ee dowladda Soomaaliya ayaa Caawa ka wada maqan dalka, Kuwaasoo safarro kala gaar gaar ah ugu maqan wadamo dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub. Madaxda wadanka ka maqan ayaa kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Duqa Muqdisho Cumar Finish. Qofkii u danbeeyay […]

No Comments read more

Bosaaso: Dhalinyaro lagu eedeeyay dhac oo Xukun lagu riday

Posted: November 11, 2019 at 9:22 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa xukun ku riday laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu […]

No Comments read more

Dadka Shabeellaha dhexe oo ka cabanaya Fatahaadda Wabiga Shabeelle

Posted: November 11, 2019 at 9:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dad ku nool duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka barakaceen Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay degaannadooda. Qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay guryahooda uga barakaceen Fatahaadda Wabiga Shabeelle. Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Dowladda Federaalka ayey ugu baaqeen in ay Doon ku […]

No Comments read more

Shirka Nabadda Paris oo maanta ka furmaya France

Posted: November 11, 2019 at 9:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyra ayaa Magaalada Paris ee dalka France maanta uga qeybgelay shir soconaya muddo saddex Maalmood ah oo looga hadlayo Nabadda. Shirkan oo heer Caalami ah ayaa waxaa ka qeybgelaya madaxda Caalamka,waxaana looga hadlayaa nabadda iyada oo ra’isalwasaare Kheyre lagu wado in uu la kulmo madaxda caalamka ee taageerta Soomaaliya kana […]

No Comments read more

Madaxweynayaal hore oo loo diiday in ay ka dhoofaan Muqdisho.

Posted: November 10, 2019 at 9:09 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mudane Shariif  Sheekh Axmed oo ku sii jeeday Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee Aadan Cadde. Saraakiil ku sugan Aadan Cadde ayaa  sheegay  in amar ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya lagu xanibay diyaaraddii Wafdiga madaxdan u qaadi lahayd Magaaladda Baledweyne. […]

No Comments read more

WHO: Fatahaadda Soomaaliya Waxaa Ku Dhintay 25 Qof

Posted: November 10, 2019 at 9:00 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in ay geeriyoodeen 25 qof 47 kalena ay ku dhaawacmeen Fatahaadihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ay ka sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Bogga Twitterka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa lagu baahiyay in ay barakaceen 270,000 oo qof, dhimashadu tahay 25 dhaawacana yahay 47 qof. Waxa kale oo ay […]

No Comments read more

Shir Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Dhacaya Caruusha

Posted: November 10, 2019 at 8:58 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Magaadalada Caruusha ee Dalka Tanzania waxaa dhawaan ku kulmaya Madaxweynayaasha Waddamada Bariga Afrika,waxaana ay ka doodayaan sidii xubinnimada Ururkaas loogu dari lahaa Soomaaliya. Waddamada Burundi, Uganda, Tanzania, iyo Kenya oo xubno ka ah Ururka ayaa horay shuruud ugu xiray xubinimada Soomaaliya markii ay codsatay,waxaana ka mid ahayd in Soomaaliya amaan noqoto, bixiso qaaraanka Ururka iyo […]

No Comments read more