Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Madaxdii Qaranka Oo Dalka Ka Wada Maqan!

Posted: November 12, 2019 at 6:45 am   /   by   /   comments (0)

Madaxda ugu sareysay ee dowladda Soomaaliya ayaa Caawa ka wada maqan dalka, Kuwaasoo safarro kala gaar gaar ah ugu maqan wadamo dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Madaxda wadanka ka maqan ayaa kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Duqa Muqdisho Cumar Finish.

Qofkii u danbeeyay ee safra waxa uu ahaa Madaxweyne Farmaajo oo galabta u dhoofay magaalada Nairobi, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta dadweynaha oo uu soo qaban qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA).

Waxaa ka sii horeeyay oo Barqanimadii maanta wadanka isaga dhoofay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo noqon lahaa Kusimaha Madaxweynaha, Mursal waxa uu ku sugan yahay magaalada Addi-Ababa ee Caasimadda dalka aan Bada leheyn ee Itoobiya.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna Caawa ku sugan dalka Faransiiska oo uu maanta gaaray, isagoo wadankaa isaga dhoofay Axadii Shalay, wuxuuna halkaasi uga qeyb galayaa shir sanadeedka labaad ee madasha Nabadda Paris, Khayre wuxuu uga sii gudbi doonaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo isaguna Caasimadda isaga tagay Khamiistii 7-da bishan ayaa ku sugan magaalada Durban ee wadanka Koofur Afrika.

Wadanka Kusime Madaxweyne waxaa Caawa ka ah Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/Weli Sheekh Ibraahim Muudeey, halka Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabkuna yahay Mahad Cabdalla Cawad.

Maqnaanshaha madaxda ayaa ku soo aadeysa xili wadanka uu ka jiro buuqa ka dhashay xanibaadii shalay Muqdisho iyo Beledweyn lagu saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasoo ku hanjabay iney la dagaalamayaan dowladda hadeysan cadaadiska ka dhaafin.