Newsletter subscribe
September 2019

Haweeney Talyaani Ah Oo La Guursaday Iyadoo Qafaalan!

Posted: September 30, 2019 at 7:46 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wariye lagu magacaabo Alessandro Sallusti  oo udhashay dalka Talyaaniga ayaa saaka 30ka September 2019  daabacay waxaa  Warbixin uu uga hadlayo Gabar u dhalatay Talyaaniga oo sanadkii hore laga qafaashay kenya. Silvia Romano, oo 24 jir ah ayuu Wariyuhu sheegay in lagu qasbay Guur Islaami ah sidoo kalena ku socoto in lagu biiriyo Islaamka iyada oo […]

No Comments read more

Haweeney Talyaani Ah Oo La Guursaday Iyadoo Qafaalan!

Posted: September 30, 2019 at 7:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wariye lagu magacaabo Alessandro Sallusti  oo udhashay dalka Talyaaniga ayaa saaka 30ka September 2019  daabacay waxaa  Warbixin uu uga hadlayo Gabar u dhalatay Talyaaniga oo sanadkii hore laga qafaashay kenya. Silvia Romano, oo 24 jir ah ayuu Wariyuhu sheegay in lagu qasbay Guur Islaami ah sidoo kalena ku socoto in lagu biiriyo Islaamka iyada oo […]

No Comments read more

Xildhibaanno Federaalka Ah Oo Ku Xayiran Kismaayo

Posted: September 30, 2019 at 7:16 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ku dhawaad toban Xildhibaan oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xanniban Magaalada Kismaayo. Xildhibaannadan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u diidday in diyaarado ka soo raacaan Magaalada Kismaayo si ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in markii […]

No Comments read more

Soomaali Lagu Laayay Itoobiya

Posted: September 30, 2019 at 7:14 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imanaya Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 Qof oo Soomaali ah lagu dilay dagaal ka dhacay gobolkaas. Qof ka mid ah Dadka degaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dagaalka oo uu sheegay in Cafarta ku qaadeen degaankooda lagu dilay 14 Soomaali ah 7 kalena lagu dhaawacay. […]

No Comments read more

Al-shabaab oo sheegay in Ergadii dooratay Xildhibaan Jawaari gaareen Buulo Fulaay

Posted: September 30, 2019 at 7:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada 76 Ergo oo ka mid ah kuwa doortay qaar ka mid ah  Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya. Ergadan ayaa waxaa ay Al-shabaab ku soo bandhigeen degaanka Booli Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay. Ergadaas waxaa ay sheegeen Al-shabaab in ay xubno ka yihiin kuwii soo doortay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka […]

No Comments read more

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sharciga la mariyay Ciise Tarabuun

Posted: September 30, 2019 at 7:08 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal shalay ka soo baxay Dowladda Kenya oo ahaa muwaaddin Soomaali ah horayna AL-shabaabnimo loogu xiray Muqdisho in la siidaayay markii sharciga la mariyay. War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir lagu […]

No Comments read more

Ciidanka DFS Oo Toogtay Nin Dhigayey Miino

Posted: September 29, 2019 at 7:32 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen Nin ay sheegeen in uu Miino ku aasayay duleedka degaanka Gololey oo 10km u jira Degmada Balcad. Korneyl Cali Maadow oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan duleedka Balcad ayaa sheegay in qofka […]

No Comments read more

Kenya oo sheegtay in uu dalkeeda galay sarkaal ay horay u xirtay Soomaaliya

Posted: September 29, 2019 at 7:29 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab uu 24kii Bishan galay dalkeeda iyada oo shacabka ku wargelisay in ay xogtiisa la wadaagaan Saldhigga Boolis ee ugu dhow. Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Waxiid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun ayey dowladda Kenya sheegtay in uu dalkeeda galay 24kii […]

No Comments read more

Xubno Al-shabaab Ah Oo Lagu Dilay Sh/hoose

Posted: September 29, 2019 at 7:27 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar xalay ka dhacay duleedka Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa AL-shabaab. Duqeynta oo ay geysteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa lagu sheegay in lagu dilay Xasan Abshir Jbrill oo ku magac dheer Jiiroow. […]

No Comments read more

Suuriya oo dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku ka baxaan Dhulkeeda

Posted: September 29, 2019 at 7:25 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xukuumadda Suuriya ayaa dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku kabaxaan ciidda Suuriya iyada oo ku hanjabtay in haddii aysan u hoggaansamin dalabkaas ay qaadeyso tallaabooyin lid ku ah joogitaanka ciidamadaas ee dhulka Suuriya. Hadal uu Wasiirka Arrimaha dibadda & Qurbejoogta Suuriya Waliid Macalin ka jeediyey Kulanka QM ayuu ku sheegay in joogitaanka ciidanka Turkiga & […]

No Comments read more

Sucuudiga oo diidday Danjiraha Soomaaliya u magacowday Riyad

Posted: September 28, 2019 at 8:22 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Sucuudiga ayaa iska diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto  C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir; oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, kaasoo wali aan shaqa gelin. Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu […]

No Comments read more

Waa Imisa Qarashka Ku Baxay Safaaradda Soomaaliya Ee Washington?

Posted: September 28, 2019 at 8:14 am   /   Uncategorized

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay qiimaha ay ka bixisay Safaaradda cusub ee ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Washington. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Belye ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda laga bixiyay lacag dhan $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Waxaa uu sheegay in Guriga dhismaha Safaaradda ay lahayd Dowladda Columbia islamarkaana laga siiyay […]

No Comments read more