Newsletter subscribe
October 2019

Waxgaradka Galmudug:-“Ahlusunna iyo Dowladda midna sharci u malaha soo xulista Xildhibaanada”

Posted: October 31, 2019 at 7:56 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Odayaasha Galmudug oo Kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Xildhibaanada laga badiyo 89 mudane, iyagoona ku goodidiyay cidii arintaasi Ku dhaqaaqda tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan. Waxgaradka ku shiray Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay haddii Ahlusunna la siiyo 35 Xildhibaan in aysan ka qeyb gali doonin […]

No Comments read more

Ilhaan Cumar oo ballan qaadday in ay ka qeybqaadeyneyso gurmadka Soomaaliya

Posted: October 31, 2019 at 7:53 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka fatahaadaha Soomaaliya. Qoraal ay ku daabacday Twitterkeeda ayey ku sheegtay in ay aad uga xuntahay waxa ka socda Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay in isbeddelka Cimillada iyo Fatahaadaha ay ugu weynyihiin waxa sababaya dhibaatada ka socota Soomaaliya. […]

No Comments read more

Rugta Ganacsiga oo $1Milyan ku deeqday gurmadka Fatahaadaha

Posted: October 31, 2019 at 7:50 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Rugta Ganacsiga iyo Warshada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in lacag Hal Milyan oo doolarka Mareykanka ah ay uga qeybqaadanayaanFatahaadaha dalka ku dhuftay. Kulan ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta iyo Ganacsatada xubnaha ka ah Rugta ayaa waxaa ay sheegeen in isla fadhigaas ku ururiyeen $640,000 islamarkaana inta ka dhiman halka Milyan ay durba soo ururinayaan uguna qeybqaadanayaan […]

No Comments read more

Gaari ay leeyihiin Ciidanka dowladda oo qof shacab ahaa ku dilay Tabeellaha

Posted: October 30, 2019 at 10:48 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka naga soogaaraya degaanka Tabeellaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari Ciidanka dowladda ay leeyihiin uu jiiray wiil Dhallinyaro ah. Shilka ayaa ka dhacay Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim,waxaana wiilka dhallinyarada ahaa uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray. Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo ka mid ah Gaadiidka dowladda ee loo yaqaanno Cabdi Bilayaasha oo isdaba […]

No Comments read more

Deni oo dacweeyay Xildhibaankii su’aasha adag weydiiyay

Posted: October 30, 2019 at 10:42 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu dacwad ku oogay Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo todobaadkan su’aal adag weydiiyay Deni. Deni ayaa xilliga su’aasha la weydiinayay waxaa uu furay kalfadhiga 45aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland. Xildhibaanka ayaa dhowr su’aal oo isa saarnaa weydiiyay Deni,waxaana ugu weyneyd in isaga iyo ku xigeenkiisa […]

No Comments read more

Kenya oo sheegtay in AL-shabab dileen labo iyaga ka tirsanaa oo Xabsi ku jiray

Posted: October 30, 2019 at 10:38 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay dileen labo xubnood oo shabaab ah kuwaas oo xabsiga Wajeer ku jiray. Ciidmao ka tirsan AL-shabaab ayaa weerar ku ekeeyay xarun Boolis oo ku taalla Wajeer qeybteeda koofureed, dagaal ku dhawaad 20 daqiiqo socday kaddib ayey Ciidamada Kenya isaga baxeen saldhigga. Hayeeshee AL-shabaab ayaa dab qabadsiiyay […]

No Comments read more

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday Mas’uuliyiintii hore ee Maxaas

Posted: October 30, 2019 at 10:35 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto Qaraxii sanadkan billowgiigsii lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii […]

No Comments read more

Itoobiya oo beddeleysa siyaasaddii ay 30 sano kula dhaqmeysay Somaliya

Posted: October 30, 2019 at 10:27 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Dalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay isbeddel weyn ku sameyneyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya Nebiat Getachew,ayaa sheegay in siyaasaddii arrimaha dibadda ee ay ku dhaqmeysay Itoobiya 30kii Sano ee la soo dhaafay ay dhacday islamarkaana aysan la jaanqaadi karin Caalamka. Siyaasadda arrimaha […]

No Comments read more

Muxuu Turkiga Ka Yiri Fatahaadaha Ka Jira Dalka?

Posted: October 30, 2019 at 10:25 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Turkiga ayaa war ka soo saartay Fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Juba ka sameeyeen Gobollada Dalka Soomaaliya. War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay Fatahaadaha Wabiyada Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay dowladda Turkiga in ay kaalin ka qaadaneyso gurmadka loo sameynayo dadka […]

No Comments read more

Dad Soomaali ahaa oo ku dhintay shil ka dhacay Mareykanka

Posted: October 29, 2019 at 7:45 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan laba qof ayaa geeritooy halka 3 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari yar oo ay wateen uu ku dhacay Gaari kuwa adeegyada qaad qaada ah Magaalada Lewiston ee dalka Mareykanka. Labada qof ee geeriyootay ayey goobjoogayaal ku sheegeen in ay ahaayeen Lamaane ku sii socday Sharikad ka ganacsata Ukunta Digaagga oo ay […]

No Comments read more

Ciidanka France Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Weerar Ku Qaaday Masjid

Posted: October 29, 2019 at 7:43 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Nin 84 jir ah ayaa weeraray Masaajid ku yaalla Dalka France waxaana uu dhaawacay labo qof oo da’ ah. Ninkan ayaa isku dayay in uu Masaajidka dab qabadsiiyo,waxaana la kulmay labada qof ee Masaajidka banaankiisa joogay,markii ay isku dayeen in ay hor istaagaan ayuu rasaas la dhacay halkaas ayeyna ku dhaawacmeen. Booliska France ayaa Ninkan […]

No Comments read more

Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu La’aa B/weyne Oo Meydkiisa La Helay

Posted: October 29, 2019 at 7:42 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka saaka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in la helay mid ka mid ah meydka dadkii ay shalay la degtay Doonta ee Gobolka Hiiraan. Shariif Xasan oo ahaa Ganacsade sidoo kalena ahaa aqoon yahay ayaa ka mid ahaa dadka Doonta la socday,waxaana saaka Meydkiisa laga helay Degaanka Shabeelow ee duleedka Magaalada Beledweyne. Doonta shalay […]

No Comments read more