Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowlada Soomaaliya oo Koofurta Suudan kala hadashay in ganacsatada Soomaaliyeed u heli lahayeen dhul ganacsi

Posted: December 4, 2019 at 10:48 am   /   by   /   comments (0)

Dowladaha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan ayaa ka wada hadlay sida ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool ay u helahaayeen goobo ay ku ganacsadaan.

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa xarunta safaaradda ee magaalada Jubba kulan kula qaatay wasiirka arrimaha gudaha dalka Koonfurta Sudaan michael chiangjiek iyadoo kulankaas ay labada masuul uga hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sidii Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi u helahaayeen dhul ay ku ganacsdaan.

“Waxaan xafiiska kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Koofurta Sudan oo aan ka wada hadalnay xiriirka labada dal, xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Sudaan,gaar ahaan kuwa ku ganacsada Suuqyad isku raranta ah oo hadda la damacsanyahay in la dumiyo iyo sidii goob kale loogu heli lahaaa” ayuu yiri ambassador Xuseen Xaaji Axmed.

Safiirka ayaa sheegay in uu wasiirka kala hadlay habka ugu hoboon ee Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen dhul ku haboon ganacsiga.

Ganasatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa ka cabanayay mudooyinkaan dambe in Dowlada Wadankaasi doonayso in ay goobe kale u wareejiso ganacsataan,oo Magaaladda Jubba ee Caasimada Koofurta Suudaan ku leh Goobo ganacsi isla markaana aysan haysan dhul ku filan.

Soomaali badan ayaa ku ganacsta dalka Koonfurta Sudaan kuwaas oo xiliyadda qaarna lakulma dhibaatooyin kala duwan oo dhinacyo badan kaga yimaada, balse madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa dadaal ugu jirta sidii gabi ahaanba arrimahaas oo dhan loo soo afjari laha