Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliya qeybta Booliska Nugaal oo shaqada laga joojiyay

Posted: December 4, 2019 at 10:43 am   /   by   /   comments (0)

Taliyaha Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu sameeyay shaqo joojin kaddib eed loo jeediyay.

Muumin Cabdi Shire ayaa waxaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Booliska Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse.

Muumin ayaa lagu eedeeyay in uu amar diiddo sameeyay sidaasna shaqada looga joojiyay iyada oo uu soo baxayo khilaaf u dhaxeeya labada nin oo taagnaa todobaadyadii la soo dhaafay.

Wareegtada shaqada looga joojiyay Muumin Cabdi Shire  Taliyaha qeybta Booliska Nugaal ayaa waxaa la ogeysiiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay in dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay uusan fiicneyn xiriirka labada Taliye.

Taliye qeybeedka lagu sameeyay shaqo joojinta wali kama hadlin go’aanka Taliyaha Booliska Maamul Goboleedka Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse.