Mareykanka oo Ciidan cusub u soo diraya Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo ka socda dalkaas loona soo dirayo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab. Ciidanka Mareykanka ee ku soo wajahan Soomaaliya ayaa laga soo sagootiyay Saldhigga Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka. Waxaa ay Ciidamadan tiradooda gaareysaa ilaa 450 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Mareykanka […]
Al-shabaab Oo Ka Hadlay Weerarkii Xerada Xalane
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa war ka soo saaray weerar shalay duhurnimadii ay ku qaadeen xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho. Al-shabaab waxaa ay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen lix qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaanib caddaan ah,waxaana ay intaas ku dareen in shan qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa kale oo […]
Somaliya oo lumisay fursad ay ku qaban kartay xilka xogyahaya fulinta IGAD
Waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada Adis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Kulanka Madaxweynayaasha IGAD waxaa looga hadlayay halka lagu qabanayo kulanka xiga ee IGAD, cidda la wareegeysa shirguddoonka iyo goorta lagu wareejinayo. Guddoomiyaha IGAD waxaa hadda ah Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed waxaama kulankii Adis ababa la isku […]
Somaliya iyo Qadar oo diiday Bayaan ka soo baxay Jaamacadda Carabta
Waddamada Soomaaliya iyo Qadar ayaa iska diiday Bayaan ka soo baxay Jaamacadda Carabta oo ka dhan ah Dowladda Turkiga. Bayaankan ayey Waddamada Jaamacadda Carabta waxaa ay ku cambaareeyeen weerarka Ciidamada Turkiga ay ku galeen dalka Syria ee ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta. Labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar ayaa diiday in ay qeyb ka noqdaan […]
Adan Barre Ducaale oo ka dagay Kismaayo
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Adam Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda Dalka Kenya ayaa goordhow tagay Magaalada Kismaayo. Lama xaqiijin in Adam iyo wfadigiisa ayideen go’aankii dowladda Soomaaliya ee diyaaradaha ka imanaya Kenya ku soo mareen Muqdisho. Isaga oo dadka si kooban ula hadlay Adam Barre Ducaale waxaa uu sheegay in […]
Maxaa mideeya madaxda ka qaybgeleysa caleema-saarka Madobe?
Laba madaxweyne oo kamid ah madaxweyneyaashii soo maray talada Soomaaliya, laba madaxweyne dowlad-goboleed oo xilka kategey, madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, guddoomiye kuxigeenka 1aad ee aqalka sare, xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka qaarkood ayaa kamid ah siyaasiyiinta kaqaybgeleysa caleema-saarka madaxweynaha doorashadiisa lagu muransan yahay Axmed Maxamed Islaam oo laga soo billaabo 2013 […]
Dowladda oo xariyaad ku rogtay diyaaradaha ka imanaya Kenya
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xayiraad cusub ku soo rogtay diyaaradaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka imanaya Kenya kuna jeeda Muqdisho. Warqad ogeysiis ah ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ah ee ka imanaya guud ahaan Dalka kenya la mamnuucay in ay toos u tagaan Kismaayo,waxaana qasab […]
Qaramada Midoobey oo shaqo joojin doonta dhamaadka October
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan October ay istaagi doonaan howlaha shaqada ee Qaramada Midoobey. Guterres ayaa sheegay in Waddamada xubnaha ka ah qaramada Midoobey ay ka gaabiyeen bixinta qaaraanka ay ku shaqeyso islamarkaana shaqada ku dhowdahay in ay istaagto. Waxaa uu sheegay in waddamada Xubnaha ka ah Golaha […]
Midowga Afrika iyo QM oo ku heshiiyay qorsha howleedkooda Somaliya ee 2019/2021
Wakiillo ka kala socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyeen shir muddo shan maalmood ah u socday kaas oo ay kaga hadlayeen shaqooyinkooda Soomaaliya. Madaxda labada dhinac ayaa isku raacay tubta qorshaha kala guurka Soomaaliya,waxyaabaha la qabananayo, dhaqaalaha lagu qabanayo iyo habka loo qabanayo. Madaxa Injineerrada AMISOM […]
Cumar Finish: “Isbitaalka Laasaleeti degdeg ayaan u dhisayaa”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in uu dib u dhis ku sameynayo Isbitaalka Laasaleeti oo uu bur bur xoog leh ka muuqdo. Cuma Finish ayaa sheegay in Isbitaalkaas uu muddo soddon sano ah bur bursanyahay,waxaana uu sheegay in uu ka shakisanyahay in siyaasadi ka dambeyso sababta aan loo dayactirin. Waxaa uu ballanqaaday […]
Guddoomiyaha Baarlamaanka JabuutI Oo Soo Gaaray Muqdisho
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana soo dhaweeyay Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya. Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay ka soo dageen Garoonka diyaaradaha Dalka Jabuuti. Wafddiga ka socda Dalka Jabuuti iyo wafddi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay u […]
Jubbaland Oo Iska Diidday Qoraal Kasoo Baxay DFS
Maamul Goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay war xalay ka soo baxay Waasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya. Cabdi Xuseen Sheekh oo ah Warfaafinta Jubaland, ayaa sheegay in habraaca doorashada ee ay soo saartay dowladda Federaalka ah uusan iyaga quseyn. Cabdi waxaa uu sheegay in ay doorteen madaxweynaha Jubaland sidoo kalena u dhimanyahay caleemasaarka […]