Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Somaliya oo lumisay fursad ay ku qaban kartay xilka xogyahaya fulinta IGAD

Posted: October 13, 2019 at 7:51 am   /   by   /   comments (0)

Waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada Adis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Kulanka Madaxweynayaasha IGAD waxaa looga hadlayay halka lagu qabanayo kulanka xiga ee IGAD, cidda la wareegeysa shirguddoonka iyo goorta lagu wareejinayo.

Guddoomiyaha IGAD waxaa hadda ah Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed waxaama kulankii Adis ababa la isku raacay in Kenya lagu wareejiyo Shirguddoonka.

Sidoo kale hoggaamiyayaasha IGAD ayaa isku raacay in shirka xiga ee IGAD lagu qabto Nairobi dhamaadka Bishan October islamarkaana isla xilligaas Abiye Axmed xilka Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ku wareejiyo Madxaweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa kale oo ay Waddamada isku raaceen musharraxnimada xilka Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD oo ay hadda heyso Kenya, iyada oo la isku raacay in lagu wareejiyo Musharrax u sharraxan dowladda Itoobiya.

Soomaaliya ayey u muuqataa in ay guul darro ka soo gaartay kulankaas, marka ugu horreysa Soomaaliya waxaa ay u ololeyneysay helidda xilka Xoghayaha IGAD oo uu waliba Soomaaliya u sharraxnaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/Salaan Hadliye Cumar.

IGAD waxaa 11kii sano ee ugu dambeeyay maamulaya Itoobiya iyo Kenya, Itoobiya waxaa ay xilka qabatay 2008ddii, Kenyana waxaa ay ahayd xoghayaha guud haddana waxaa ay u muuqataa in ay isweydaaranayaan.

Uganda iyo Eritrea xilka Xoghayaha waxaa ay hayeen min shan sano, Suudaan waxa aay heysay 8 sano, Kenya waxaa ay heysay 11 sano, Soomaaliyana waligeedba ma qaban.

Waxaa kale oo la is weydiinayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu horseedi karo in Soomaaliya aysan ka qeybgelin shir Madaxeedka IGAD ee dhacaya dhamaadka bishan kana dhacaya Magaalada Nairobi.