Newsletter subscribe
Xulashada Tafatiraha

Maraykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Jilib

Posted: December 1, 2019 at 5:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar duqeyn ahaa oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe. War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay gelinkii dambe ay baarayaan khasaaraha ka dhashay. Sida caadiga ah Mareykanka marka uu fuliyo duqeyn waxaa uu sheegi jiray in uu ku […]

No Comments read more

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika

Posted: November 30, 2019 at 9:17 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Midoobay ee Afrika. Xilka Giddoomiyaha Baarlamaanka Afrika waxaa uu kala wareegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Burkina Faso Alassane Bala Sakandé. Mr Xamud ayaa sheegay in dalalka Afrika ay u baahanyihiin in ay dhaqaale ahaan is dhexgal sameeyaan islamarkaana isku tiirsanaadaan. Waxaa uu ku […]

No Comments read more

Liiska Odayaasha saxiixayaasha Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Posted: November 30, 2019 at 9:14 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Magacyada Odayaasha Dhaqanka ee saxiixayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu dhawaaqay iyada oo maanta la xareynayo. Liiska Odayaashan ayaa waxaa Guddiga Farsamada dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ku wareejiyay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Odayaashan ayaa waxaa ay soo gudbin doonaan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyada oo Bisha December ee berri billaabaneysa ay noqoneyso bisha doorashada Guddoomiyha Baarlamaanka, […]

No Comments read more

Hoggaamiyaha ONLF oo ka hadlay kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe

Posted: November 30, 2019 at 9:12 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF C/Raxmaan Maadey ayaa markii ugu horreysay ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Guddoomiye Maadey ayaa sheegay in kulanka isaga iyo Axmed Madoobe ku dhexmaray Nairobi uu daarranaa sidii ay u wadahadli lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland. Waxaa uu xusay in […]

No Comments read more

Tirada Soomaalida ku dhimatay dabkii Minneapolis oo korodhay

Posted: November 28, 2019 at 7:46 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka kacay dhisme ku yaalla Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Waaxda caafimaadka gobolka ayaa shaacisay magacyada afar ka mid ah shan qof oo dabkaas ku dhintay waxaana ay kala yihiin;  Jerome Stewart, 59jir ah; Nadiifa Maxamuud, 67 jir […]

No Comments read more

Kenya Oo Sheegtay Iney Fulisay Heshiiskii Dhowaan Ay Gaareen Farmaajo Iyo Uhur

Posted: November 28, 2019 at 7:39 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dhaqangalka heshiiskii Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi 14kii Bishan November. Warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya loona diray Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay waxyaabaha ka dhaqangalay heshiiskii labada dal. Qoraalka Warqadda ku qoran ayaa waxaa uu dhigayaa in Kenya Wasaaraddeeda […]

No Comments read more

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Heshiis Cusub Gaaray

Posted: November 28, 2019 at 7:36 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub kaddib kulan ka dhacay Dalka Turkiga gaar ahaanna magaalada Ankara. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Turkiga Axmed Ciise Cawad iyo Mevlüt Çavuşoğlu ayaa kala saxiiday heshiis dhowr qodob ka kooban kaas oo ay ku gaareen Ankara. Labada Wasiir ayaa   kala saxiixday heshiis sare u qaadaya […]

No Comments read more

Axmed Madoobe oo khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Kenya iyo Itoobiya

Posted: November 27, 2019 at 7:33 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegayaa in uu khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuuray dowladaha Kenya iyo Itoobiya. Magaalada Nairobi waxaa uu shir ay ka maqantahay Warbaahinta uga socdaa Axmed Maxamed Islaam iyo Hoggaamiyaha cusub ee Ururka ONLF C/Raxmaan Maadey. Kulankan ayaa waxaa marti gelineysa Xukuumadda Kenya waxaana maalgeliyay Machadka Rift Vally sida […]

No Comments read more

Labada aqal ee dalka oo maanta yeelanaya kulankoodii 2aad ee kalfadhiga 6aad

Posted: November 27, 2019 at 7:31 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha aqalka sare iyo Golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulanka 2aad ee kaldhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa waxaa uu ajendihiisu yahay meel marinta habraaca ansixinta dib u eegista Dastuurka Dalka. Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa goorsii horreysay sheegay in ay dhameystireen dib u eegista Dastuurka kana qeybgeliyeen dhamaan dowlad Goboleedyada, ururrada […]

No Comments read more

Mareykanka oo ku baaqay in ay heshiiyaan dowladda dhexe & Dowlad Goboleedyada

Posted: November 27, 2019 at 6:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday in ay heshiis la gaarto dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Bogga Twitterka ee Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu daabacay in Saraakiisha Mareykanka […]

No Comments read more

Ciidamada Kenya Oo La Wareegay Ammaanka Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland

Posted: November 26, 2019 at 8:16 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay in Ciidamada difaaca Kenya ay la wareegeen amniga Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan. Daily Nation oo xiganaya ilo ka mid ah Milatariga Kenya ayaa sheegay in Maxamuud ay Ciidamada Itoobiya u diideen in uu galo Magaalada Baladxaawo e Gobolka Gedo. Wafdiga Maxamuud […]

No Comments read more

Ahlu Sunno oo dacwad ka gudbineysa dowladda Soomaaliya

Posted: November 26, 2019 at 8:07 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhawaaqay in ay dacwad kale ka gudbinayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay xadgudub ka waddo degaannada Galmudug. Kulan hoggaanka Ahu Sunna ay xalay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayey kaga arrinsadeen waxa ay ka yeelayaan dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug ee ay dowladda Federaalka ah […]

No Comments read more