Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Axmed Madoobe oo khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Kenya iyo Itoobiya

Posted: November 27, 2019 at 7:33 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegayaa in uu khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuuray dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Magaalada Nairobi waxaa uu shir ay ka maqantahay Warbaahinta uga socdaa Axmed Maxamed Islaam iyo Hoggaamiyaha cusub ee Ururka ONLF C/Raxmaan Maadey.

Kulankan ayaa waxaa marti gelineysa Xukuumadda Kenya waxaana maalgeliyay Machadka Rift Vally sida ilo ku dhow kulanka ay u sheegeen Addis Standard.

Hoggaamiyaha ONLF ayaa Axaddii ka dagay Jomo Kenyatta waxaana soo dhaweyn heer sare ah u sameysay Dowladda Kenya.

Kulanka labada Nin ayaa loo arkaa mid xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Itoobiya, Jubaland iyo Kenya.

Bishii August diyaarad ay leedahay dowladda Itoobiya ayuu maamulka Jubaland u diiday in ay ka degto Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, arrintaas ayaa aad u xumeysay xiriirka saaxiibadii hore ee Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa kala taageera Maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka ah, waxaana jira khilaaf u dhaxeeya Jubaland iyo dowladda Soomaaliya kaas oo saameeyay waddamada deriska ah laftooda.

Addis Standard ayaa sheegtay in Itoobiya ay ka walaacsantahay dhaq dhaqaaqa Axmed Madoobe ee Jubbooyinka oo ay uga shakisantahay in uu taageerayo Ururro halis ku ah nabadda gobolka sida wargeysku qorayo.

Labada Hoggaan ee OLNF iyo Jubaland wali warbaahinta lama hadlin hayeeshee wareysi uu Bishii August bixiyay C/Raxmaan Maadeey waxaa uu ku sheegay in ONLF ay daneyneyso in khilaafka Kenya Jubaland oo isku dhinac ah iyo Itoobiya la xalliyo iyada oo ra’isalwasaaraha Itoobiya uu ugu baaqay in uu muhiimadda siiyo danta shacabka Soomaalida ah.

Axmed Madoobe aya laftiisa ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida waxaana uu ku dhashay halkaas hase ahaatee waxaa uu sanadkii 2013kii noqday Madaxweynaha Maamulkii KMG ah ahaa ee Jubba.