Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay Ugaarsato ajaanib ah
Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay sagaal nin oo ugaarsato ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay s sharci darro ah u ugaarsanayeen duur joogta Somaliland. Raggan oo u dhashay Waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa iyaga oo isku dayay in ay halkaas ka dhoofaan dibna ugu […]
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Booliiska DFS iyo rag hubeysan oo burcad ah ayaa xalay ka dhacay xaafadda Gubta, degmada Dayniile ee Muqdisho. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Booliiska lagu soo wargeliyey in burcad ay dhac u geysanayaan dad rayid ah, taasina waxay keentay in ciidanka ku baxo. Waxay Booliiska kala kulmeen burcadda rasaas culus, […]
Kenya Oo Ciidan Badan Keentay Gobolka Gedo
Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa iney ciidan Badan keentay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gobolka Gedo. Dad ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa inoo sheegay in ciidanka Kenya yihiin kuwo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in ciidankan ay halkaasi u yimaadeen sidii ay […]
Saldhigga Ciidanka Badda Itoobiya Oo La Shaaciyey Halka Uu Noqon Doono
Dowladda Itoobiya ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhismaha Ciidamada Badda dalkaasi. Qorshahan ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn,waxa ay qabanayaan Ciidamadaas iyo waliba halka saldhiggooda noqon karto. Wargeyska The East African ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa wareysi la yeeshay danjiraha Itoobiya ee Nairobi Males […]
Soomaaliya Oo La Sheegay Inuu Yahay Dalka Ugu Musuqa Badan Caalamka
Hay’adda Transparency International ayaa mar kale soo saartay warbixin sanadeedkeeda ku saabsan musuqa iyo sida ay dowladaha Caalamka horumar uga sameynayaan la dagaallanka musuqmaasuqa. Warbixinta hay’adda ayaa waxaa loo kala qeybiyay waddamada guusha ka gaaray la dagaallanka musuqa, kuwa musuq la’aanta ah, kuwa ay tahay in isha lagu hayo iyo kuwa musuqoodu cadyahay oo aan […]
Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday raggii loo heystay weerarkii Guriceel
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku ridday laba Nin oo loo heysto in ay xubno ka yihiin Al-shabaab. Labada Nin oo Maxkamadda ay kiiskooda shalay dhegeysatay ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in,waxaana lagu eedeeyay in ay galeen Dambiga lagu eedeeyay. Maxamuud Cabdi C/Raxmaan iyo Cali Dhubbad Nuurre Siyaad ayaa waxaa ay […]
Turkiga oo sheegay in 250 Tan uu ka qeybiyay gudaha Soomaaliya
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tan iyo billowgii Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle uu dalka ka qeybiyay 250 Tan oo gargaar ah sida lagu sheegay warbixin dowladdu u qeybisay Warbaahinta Turkiga. Hay’adaha gargaarka Turkiga ee kala ah (AFAD), Bisha cas ee Turkiga iyo Diyanet, ayaa sheegay in ay qeybiyeen 250 tan oo samafal ah una […]
Waraabe “Muuse Wuu Madax Adagyahay”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa rajo xumo ka muujiyay in guul laga gaaro khilaafka ka dhashay Guddiga doorashooyinka ee u dhaxeeya Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda Kulmiye. Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa maanta ayaa sheegay in Guddigoodii isu xilqaamay in xaaladda la dajiyo ay ka quusteen Muuse […]
Dibadbax Ka Socda Muqdisho
Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka ayaa waxaa ay saaka banaanbaxyo ka dhigeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Banaanbaxan ayaa ka dhashay lacago dheeraad ah oo ay dowladdu saartay Gaadiidleyda iyada oo wali ay ka xiranyihiin Waddooyinka Muqdisho. Gadiidleyda ayaa sheegaya in lacag ku dhow laba Doollar dusha laga saaray subax walba islamarkaana […]
China: Soomaaliya Halaga Caawiyo Dowladnimada
Dowladda China ayaa ku baaqday in Caalamka Soomaaliya ka taageero dowladnimada islamarkaana la tayeeyo hay’adaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ku xigeenka Wakiilka joogtada ah ee China u fadhiya Qaramada Midoobey Wu Haitao, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ugu baahi badan tahay Caalamka islamarkaana wax weyn ugu taallo taageeradooda dhinaca dowlad wanaagga. Waxaa kale […]
Maxkamadda CQS Oo Xukun Dil Ah Ridday
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdullahi Cali Aadan oo ka tirsan Al-shabaab sida ay Maxkamaddu sheegtay kaas oo qeyb ka ahaa weerar sanadkii hore lagu qaaday Xarun uu Sheekh C/Wali Cilmi yare ku lahaa Magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali […]
Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru oo aan dhaqangelin
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wali dhaqangelin kaas oo la xiriira duulimaadka diyaaradaha. Qodobada ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed waxaa ka mid ahaa in muddo todobaad gudaheed ah diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi ay noqdaan kuwo toos isaga kala goosha […]