Newsletter subscribe
Xulashada Tafatiraha

Qubaro Gaar Ah Oo Baaraya Dilkii Almas

Posted: November 21, 2019 at 9:03 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay AL-maas. Taliye Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baaritaannada noocan ah. Almaas ayaa shalay gelinkii dambelagu dhex dilay Xarunta Xalane […]

No Comments read more

Hay’adda WHO oo $1.38Milyan u raadineysa dadka ay saameeyeen Fatahaadaha

Posted: November 20, 2019 at 9:10 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay raadineyso lacag dhan $1.38Milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogula tacaalo dadka Soomaalida ah ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Warbixin ka soo baxday hay’adda WHO waxaa lagu sheegay in Fatahaadaha ay saameeyeen dad ka badan Nus Malyan qof, sidoo kalena barakiciyeen dad gaaraya […]

No Comments read more

Xuutiyiinta oo qabsaday Doomo u socday Berbera

Posted: November 19, 2019 at 10:00 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa gacanta ku dhigay Doomo u socday Magaalada Berbera ee Soomaaliya kaas oo ay leedahay Dowladda Koofurta Kuuriya. Saddex Doon oo ku sii jeeday maagalada Berbera ee Soomaaliya ayey Ciidamada Xuutiyiinta ka qabteen Xeebaha Dalka Yemen meel 15km u jirta. Waxaa ay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay […]

No Comments read more

Ciidan ka howlgalay Soomaaliya oo lagu laayay Burundi

Posted: November 19, 2019 at 9:59 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

40 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Dalka Burundi ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo Sabtigii ka dhacay Gobolka Cyibitoke  ee dalka Burundi. Ciidamadan oo ka baxay Soomaaliya kana mid ahaa howlgalka AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda,waxaana ay weerar kala kulmeen Kooxo ka dagaallama dalkaas halkaas oo lagu dilay afartan ka mid ah. […]

No Comments read more

Xoghayaha iyo Afhayeenka Xisbiga Wadani oo loo wareejiyay xabsiga Mandheera.

Posted: November 18, 2019 at 7:53 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Gudoomiyha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Ciro oo goordhow shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa uga hadlay xalaada ka taagan xarunta maamulka Somaliland iyo xariga loo geystay mas’uuliyiinta xisbigiisa. Ciro, waxa uu sheegay in sharci darro ay tahay xarriga loo geystay mas’uuliyiinta Xisbiga Wadani, taasoo sida uu hadalka u dhigay ka hor imaneysa […]

No Comments read more

Soomaaliya oo diidday Cunaqabateyntii Golaha amaanka ku kordhiyeen

Posted: November 18, 2019 at 7:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid muddo kordhinta lagu sameeyay cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya. Lataliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay in xayiraadda dheeraadka ah ee cunaqabateynta Hubka ay micnaheeda tahay in Soomaaliya loo diidayo in ay xasiloonideeda soo ceshato. Cabdi ayaa sidoo kale dhaliilay in […]

No Comments read more

Ruushka iyo China oo ka aamusay cunaqabateyntii hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya

Posted: November 16, 2019 at 9:13 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay muddada ay Soomaaliya saarnaaneyso cunqabateynta dhinaca Hubka ah,waxaana sidoo kale lagu daray waxyaabo cusub oo aan horay uga mid ahayn cunaqabateynta. 15ka dal ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay cod u qaaday in cunaqabateynta Soomaaliya ee dhinaca hubka lagu daro mudd hal sano ah,waxaana codbixintii ku […]

No Comments read more

Xilka qaadista Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya

Posted: November 16, 2019 at 9:10 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay. Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas […]

No Comments read more

Cumar Finish: “Agaasime is qarxin rabay ayey hay’adaha amaanka haayaan”

Posted: November 16, 2019 at 8:37 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in intii uu xilka Guddoomiyaha Gobolka hayay Ciidamada sirdoonka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo isqarxin damacsanaa. Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika la hadlayay ayaa sheegay in Qaraxii Gobolka Banaadir ee uu ku dhintay duqii hore, Guddoomiyayaal […]

No Comments read more

Xildhibaannada Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Posted: November 14, 2019 at 10:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland. Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Garowe. C/Rashiid waxaa uu helay 46 cod oo ka mid ah 63 Xildhibaan oo ka qeybqaatay codbixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

No Comments read more

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Xobno Loo Haysto Al-shabaabnimo

Posted: November 14, 2019 at 10:23 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday Afar qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab. Afarta Qof ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen Shabakad ka jirtay Galbeedka Muqdisho islamarkaana dilal ka geysan jirtay halkaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa […]

No Comments read more

Soomaali Lagu Diley Koonfur Africa

Posted: November 14, 2019 at 10:21 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imanaya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in muwaaddin Soomaaliyeed uu dalkaas xalay ugu geeriyooday dhaawac ay u geysteen koox Burcad hubeysan ahayd. Siciid Xasan oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ayaa koox hubeysan ku weerareen dukaan uu ku lahaa duleedka Magaalada Humansdrop ee Gobolka Eastern Cape. Dhaawacii ka soo gaaray […]

No Comments read more