Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Ururka Midowga Yurub Federica Mogherini. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda […]
Farmaajo: “Waddamada deriska waxaan ula heshiiyay si aysan u soo marin D.Goboleedyada”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay sababta uu xiriir wanaagsan ula yeeshay dalalka deriska la ah Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arrintaas ku sababeeyay in haddii uusan la saaxibi lahayn dowladaha deriska ah ay danahooda ka dhex raadsan lahaayeen dowlad Goboleedyada halkaasna u soo mari lahaayeen xasilooni la’aanta Soomaaliya. […]
Mas’uuliyiin Lagu Diley Balcad, Shabellaha Dhexe
Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa. Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay mas’uuliyiin ka ahaayeen degaanka Cadayga oo ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeella dhexe. Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxaa lagu kala […]
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn ay ka fulisay Gobolka Jubada dhexe ee Koofurta Soomaaliya. Wra ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen Magaalada Jilib shalay oo ay Taariikhdu ahayd 12ka Bisha. Weerarkaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay hal qof oo […]
Digniin Laga Soo Saaray Qaraxyo Ka Dhici Kara Magaalad Muqdisho
Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay weerarro argagixiso oo ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Qoraal digniin ah oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa looga digay muwaaddiniinta u dhashay Ingiriiska in ay ka fogaadaan Magaalooyinka Soomaaliya marka laga reebo Hargesa iyo Berbera. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in ay jirto […]
Maxkamadda sare ee Mareykanka oo aqbashay xayiraadda Trump ee ka dhanka ah Muslimiinta
Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa ogolaatay amar ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka kaas oo dadka ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale ka mamnuucayay in ay galaan Mareykanka. Maxkamadda sare ayaa sheegtay dib u eegis ay ku sameeysay go’aanka Trump uu dadka inta badan ka soo jeeda lix dal oo Muslimiin ah kaddib ku […]
ONLF Oo Hoggaan Cusub Doortay
Ururka ONLF ee bari la dagaallami jiray Dowladda Itoobiya ayaa doortay Hoggaamiye cusub oo uu yeelanayo. Ergooyin ku dhow 600 qof ayaa waxaa ay Magaalada Godeey uga qeybgaleen shirweynaha Ururka oo lagu qabtay Magaaladaas waxaa lagu dooranayay hoggaanka Ururka. Guddoomiyaha Ururka ONLF waxaa loo doortay C/Raxmaan Sheekh Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaasha Ururka […]
Madaxdii Qaranka Oo Dalka Ka Wada Maqan!
Madaxda ugu sareysay ee dowladda Soomaaliya ayaa Caawa ka wada maqan dalka, Kuwaasoo safarro kala gaar gaar ah ugu maqan wadamo dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub. Madaxda wadanka ka maqan ayaa kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Duqa Muqdisho Cumar Finish. Qofkii u danbeeyay […]
Bosaaso: Dhalinyaro lagu eedeeyay dhac oo Xukun lagu riday
Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa xukun ku riday laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu […]
DFS Oo Ka Hadashay Hanjabaaddii Shariif Sheekh Axmed
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal hanjabaad ahaa oo shalay ka soo baxay Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la yaabtay hadalka ka soo baxay Madaxweynihii hore. Sheekh Shariif ayaa Khudbad uu ka jeediyay Muqdisho markii uu […]
WHO: Fatahaadda Soomaaliya Waxaa Ku Dhintay 25 Qof
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in ay geeriyoodeen 25 qof 47 kalena ay ku dhaawacmeen Fatahaadihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ay ka sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Bogga Twitterka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa lagu baahiyay in ay barakaceen 270,000 oo qof, dhimashadu tahay 25 dhaawacana yahay 47 qof. Waxa kale oo ay […]
Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya Oo Dacwad Ah
Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ku matala Dowladda ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan natiijada tirakoob dhawaan natiijadiisa la shaaciyay oo la qaaday Bishii August ee sanadkan. Adam Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in siyaasiyiinta SOomaalida ah ay kulmeen iskuna raaceen in ay maxkamad u gudbiyaan natiijadaas oo ay sheegeen […]