Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Dibadbax Ka Socda Muqdisho

Posted: November 23, 2019 at 8:19 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka ayaa waxaa ay saaka banaanbaxyo ka dhigeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Banaanbaxan ayaa ka dhashay lacago dheeraad ah oo ay dowladdu saartay Gaadiidleyda iyada oo wali ay ka xiranyihiin Waddooyinka Muqdisho. Gadiidleyda ayaa sheegaya in lacag ku dhow laba Doollar dusha laga saaray subax walba islamarkaana […]

No Comments read more

China: Soomaaliya Halaga Caawiyo Dowladnimada

Posted: November 23, 2019 at 8:18 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda China ayaa ku baaqday in Caalamka Soomaaliya ka taageero dowladnimada islamarkaana la tayeeyo hay’adaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ku xigeenka Wakiilka joogtada ah ee China u fadhiya Qaramada Midoobey Wu Haitao, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ugu baahi badan tahay Caalamka islamarkaana wax weyn ugu taallo taageeradooda dhinaca dowlad wanaagga. Waxaa kale […]

No Comments read more

Uganda oo Midowga Yurub uga digtay dhimista Ciidanka AMISOM

Posted: November 21, 2019 at 9:21 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub uga digtay qorshaha dhimista Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyada oo aan xaqiiqo rasmi ah laga heyn xaaladda Soomaaliya. Hadalka Dowladda Uganda ka soo baxay ayaa yimid kaddib markii Dalka Uganda ay booqatay ku xigeenka Howlgalka Midowga Yurub ee Uganda Anna Merrifield iyo wafdi la socday. Mrs Anna ayaa ballanqaadday in […]

No Comments read more

Human Rights Maxay Ka Tiri Dhimashadii Almaas

Posted: November 21, 2019 at 9:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Hay’ada Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa war toogasho xeradda Xalane loogu geystay Xoghayihii hore ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Almaas Elman. Laetitia Bader oo ah  cilmi-baarre sarre oo ka tirsan hay’adda caalimaga ah Human Rights Watch, ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku sheegtay in ay ka […]

No Comments read more

Maxkamadda CQS Oo Xukun Dil Ah Ridday

Posted: November 21, 2019 at 9:14 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdullahi Cali Aadan oo ka tirsan Al-shabaab sida ay Maxkamaddu sheegtay kaas oo qeyb ka ahaa weerar sanadkii hore lagu qaaday Xarun uu Sheekh C/Wali Cilmi yare ku lahaa Magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  Xasan Cali […]

No Comments read more

Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru oo aan dhaqangelin

Posted: November 21, 2019 at 9:11 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wali dhaqangelin kaas oo la xiriira duulimaadka diyaaradaha. Qodobada ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed waxaa ka mid ahaa in muddo todobaad gudaheed ah diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi ay noqdaan kuwo toos isaga kala goosha […]

No Comments read more

Qubaro Gaar Ah Oo Baaraya Dilkii Almas

Posted: November 21, 2019 at 9:03 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay AL-maas. Taliye Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baaritaannada noocan ah. Almaas ayaa shalay gelinkii dambelagu dhex dilay Xarunta Xalane […]

No Comments read more

Axmed Xuseen oo mar kale ka soo muuqday Golaha Wasiirrada Canada

Posted: November 21, 2019 at 8:57 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa uu mar kale ka soo dhexmuuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu shaaciyay Justin Trudeau Ra’isalwasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau, ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay Haween yihiin,waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah Wasiiradii ku jiray […]

No Comments read more

Shir Looga Hadlayey Arrimaha Dastuurka KMG Oo Lasoo Gabagabeeyey

Posted: November 20, 2019 at 9:20 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

 Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa  magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ku saabsan  dhameystirka Dastuurka KMG ah kaas oo ay layeelatay aqoonyahanadda Soomaaliyeed. Kullankaas wadatashiga ah ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sidoo kale qodobadda u baahan wax ka badalka. […]

No Comments read more

Ciidamada Ammaanka Oo Howlgal Ka Sameeyey Dhuusamareeb

Posted: November 20, 2019 at 9:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidanka Ammaanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug,Ciidamada ayaa xalay waxaa lagu arkayay qaybo ka mid ah xaafadaha Dhuusamareeb iyo sidoo kale meelaha muhiimka. Taliska Booliska ee Dhuusamareeb ayaa horay amar uga soo baxay waxaa uu ahaa in gudaha magaalada aan hub sharci darro ah […]

No Comments read more

Hay’adda WHO oo $1.38Milyan u raadineysa dadka ay saameeyeen Fatahaadaha

Posted: November 20, 2019 at 9:10 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay raadineyso lacag dhan $1.38Milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogula tacaalo dadka Soomaalida ah ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Warbixin ka soo baxday hay’adda WHO waxaa lagu sheegay in Fatahaadaha ay saameeyeen dad ka badan Nus Malyan qof, sidoo kalena barakiciyeen dad gaaraya […]

No Comments read more

Mareykanka iyo AL-shabab oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Kuunya Barroow

Posted: November 20, 2019 at 9:07 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka iyo dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ayaa ka hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Kuunya barrow ee Gobolka Shabeellaha hoose. War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay Kuunya Barroow lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kaas oo aysan magaciisa sheegin. Dhinaca AL-shabaab oo […]

No Comments read more