Newsletter subscribe
Arrimaha Siyaasada

Goorma Ayeey Jabuuti Ku Dhowaaqeysaa Musharraxinamadeeda Kursiga Golaha Ammaanka?

Posted: November 28, 2019 at 7:48 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay xilliga kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqeyso ololaheeda ay ku dooneyso kursiga aan joogta ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey. War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Jabuuti ayey ku sheegtay in iyada oo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay han sare ka leedahay kursiga Golaha amaanka ee mudda xileedkiisu yahay 2021 […]

No Comments read more

Tirada Soomaalida ku dhimatay dabkii Minneapolis oo korodhay

Posted: November 28, 2019 at 7:46 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka kacay dhisme ku yaalla Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Waaxda caafimaadka gobolka ayaa shaacisay magacyada afar ka mid ah shan qof oo dabkaas ku dhintay waxaana ay kala yihiin;  Jerome Stewart, 59jir ah; Nadiifa Maxamuud, 67 jir […]

No Comments read more

Soomaaliya oo heshiis ku kacaya $26Milyan la gashay sharikad soo saarta Gaadiidka Ciidanka

Posted: November 28, 2019 at 7:43 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Dowladda Soomaaliya iyo Sharikadda sameysa Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee Navistar ayaa kala saxiixday heshiis ay sharikaddaas ku sameyneyso Gaadiidka Ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan. Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka ayaa shaacisay 25kii Bishan November in heshiiska ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ah qiimo go’an la siiyay sharikadda Navistar, islamarkaana soo […]

No Comments read more

Kenya Oo Sheegtay Iney Fulisay Heshiiskii Dhowaan Ay Gaareen Farmaajo Iyo Uhur

Posted: November 28, 2019 at 7:39 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dhaqangalka heshiiskii Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi 14kii Bishan November. Warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya loona diray Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay waxyaabaha ka dhaqangalay heshiiskii labada dal. Qoraalka Warqadda ku qoran ayaa waxaa uu dhigayaa in Kenya Wasaaraddeeda […]

No Comments read more

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Heshiis Cusub Gaaray

Posted: November 28, 2019 at 7:36 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub kaddib kulan ka dhacay Dalka Turkiga gaar ahaanna magaalada Ankara. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Turkiga Axmed Ciise Cawad iyo Mevlüt Çavuşoğlu ayaa kala saxiiday heshiis dhowr qodob ka kooban kaas oo ay ku gaareen Ankara. Labada Wasiir ayaa   kala saxiixday heshiis sare u qaadaya […]

No Comments read more

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafadda Baalguray ee Degmada Afgooye

Posted: November 27, 2019 at 7:41 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado hor leh ka sameeyay Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaanna degmada Afgooye. Dadka ku nool Xaafadda Baalguray ee Degmada Afgooye ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Wabiga uu ku fatahay xaafaddooda islamarkaana uu saameyn ku yeeshay. Cabdullahi Axmed oo ka mid ah  dadka degaanka oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in aysan […]

No Comments read more

Axmed Madoobe oo khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Kenya iyo Itoobiya

Posted: November 27, 2019 at 7:33 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegayaa in uu khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex abuuray dowladaha Kenya iyo Itoobiya. Magaalada Nairobi waxaa uu shir ay ka maqantahay Warbaahinta uga socdaa Axmed Maxamed Islaam iyo Hoggaamiyaha cusub ee Ururka ONLF C/Raxmaan Maadey. Kulankan ayaa waxaa marti gelineysa Xukuumadda Kenya waxaana maalgeliyay Machadka Rift Vally sida […]

No Comments read more

Labada aqal ee dalka oo maanta yeelanaya kulankoodii 2aad ee kalfadhiga 6aad

Posted: November 27, 2019 at 7:31 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha aqalka sare iyo Golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulanka 2aad ee kaldhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa waxaa uu ajendihiisu yahay meel marinta habraaca ansixinta dib u eegista Dastuurka Dalka. Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa goorsii horreysay sheegay in ay dhameystireen dib u eegista Dastuurka kana qeybgeliyeen dhamaan dowlad Goboleedyada, ururrada […]

No Comments read more

Somaliland oo siideysay mas’uuliyiin ka xirnaa xisbiga Waddani

Posted: November 27, 2019 at 7:29 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Maamulka SOmaliland ayaa sii daayay mas’uuliyiin ka xirnaa Xisbiga Somaliland oo todobaadkii hore lagu xiray Hargeysa kaddib banaanbaxyo taageerayaasha xisbiga ay qabteen. Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo Oday dhaqameed lagu magacaabo Cabdi Ibraahim Cabdulle ayaa xorriyaddooda dib u helay kaddib markii la siidaayay. Siideynta mas’uuliyiinta ayaa ka […]

No Comments read more

Mareykanka oo ku baaqay in ay heshiiyaan dowladda dhexe & Dowlad Goboleedyada

Posted: November 27, 2019 at 6:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday in ay heshiis la gaarto dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Bogga Twitterka ee Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu daabacay in Saraakiisha Mareykanka […]

No Comments read more

Ciidamada Kenya Oo La Wareegay Ammaanka Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland

Posted: November 26, 2019 at 8:16 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay in Ciidamada difaaca Kenya ay la wareegeen amniga Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan. Daily Nation oo xiganaya ilo ka mid ah Milatariga Kenya ayaa sheegay in Maxamuud ay Ciidamada Itoobiya u diideen in uu galo Magaalada Baladxaawo e Gobolka Gedo. Wafdiga Maxamuud […]

No Comments read more

Ciidanka Burundi oo billaabay in ay ka baxaan Soomaaliya

Posted: November 26, 2019 at 8:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Burundi ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Burundi ee ku jira AMISOM ay billaabeen in ay dalka ka baxaan si tartiib tartiib ah. Sarkaalkan oo magaciisa qariyay isaga oo ku dooday in aan loo ogoleyn ka hadalka Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi […]

No Comments read more