Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Soomaaliya oo heshiis ku kacaya $26Milyan la gashay sharikad soo saarta Gaadiidka Ciidanka

Posted: November 28, 2019 at 7:43 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Soomaaliya iyo Sharikadda sameysa Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee Navistar ayaa kala saxiixday heshiis ay sharikaddaas ku sameyneyso Gaadiidka Ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka ayaa shaacisay 25kii Bishan November in heshiiska ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ah qiimo go’an la siiyay sharikadda Navistar, islamarkaana soo saareyso gaadiidka kala ah; 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck, iyo qalabkooda dayactirka ayaa lagu sheegay in sanadka 2022 Gaadiidkaas lagu wareejinayo Soomaaliya.

Gaadiidka ay sameyso sharikaddan ee 7000-MV, ayaa ah kuwa xamuulka dhulka ee ay adeegsadaan Ciidamada kala duwan.

Midkiiba waxaa uu qaadayaa culeys gaaraya 5 Tan,waxaa uu leeyahay qol keydka Hubka ah oo ay Ciidamada dhigtaan waxaa sidoo kale markiiba raaci  kara 20 Askari.

Noocyada gaadiidkan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah kuwo qaadi kara culeyska 13 Tan iyo Askar,waxaa kale oo uu xitaa qaadi karaa Kunteennarada Ciidamada sahayda ku qaataan.

Gaadiidkan qaarkii ayaa waxaa uu la tacaali karaa Miinooyinka,waxaa kale oo uu leeyahay goob ay geli karaan ilaa saddex Nin marka ay qaraxyada waxyeello ka soo gaarto.

Nooca  Wrecker-ka ayaa waxaa uu awood u leeyahay in uu iska difaaco gantaallada, Miinooyinka Dhulka, qaraxyada lagu dhejiyo iyo wixii la mid ah,iyada oo dadka gudahiisa ku jirana ay heli karaan difaac gudaha ah.