Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Human Rights Maxay Ka Tiri Dhimashadii Almaas

Posted: November 21, 2019 at 9:18 am   /   by   /   comments (0)

Hay’ada Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa war toogasho xeradda Xalane loogu geystay Xoghayihii hore ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Almaas Elman.

Laetitia Bader oo ah  cilmi-baarre sarre oo ka tirsan hay’adda caalimaga ah Human Rights Watch, ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku sheegtay in ay ka argagaxday geerida Almaas oo heeyd gabar firfircoon oo kaalin mug leh ka geysatay arimaha Bini’aadanimada Soomaaliya.

“Ma hadli karo. Aad ayaan u naxsanahay, Almaas waxay ahayd mid cajiib ah, dhiiran ayna ka go’an tahay u qareemida qaab dhexdhexaad ah” ayey ku sheegtay qoraalka kooban ee ay soo dhigtay baraha Bulshada.

Laetitia Bader ayaa dhinaca kale Tacsi Tiiraanyo leh u dirtay Waalidka, Walaalada iyo Saaxiibada Almaas Elman Cali oo la toogtay xili ay ku sii socotay diyaarad ay u raaci leheyd magaalada Nairobi, xigaas oo ay ka soo baxday shir looga hadlaayay arimaha reer Guuraaga oo dhacay Xarunta Xalane.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Fartuun [hooyadda Almaas], Ilwaad Elman [walaasheed], qaraabadeeda iyo asxaabta Almaas,” ayay raacisay hadalkeeda.

Marxuumad Almaas waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo isaguna isla Muqdisho lagu dilay sanadkii 1996-dii, wuxuuna sida gabadhiisa oo kale ugu ololeyn jiray arrimaha Xuquuqda Aadaaha, wuxuuna caan ku noqday halku dhiig shaac baxay ee “Qorigga DHig, Qalinka Qaado”.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay AL-maas.