Newsletter subscribe
July 2019

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Danjiraha UK iyo wakiilka Qaramada Midoobey

Posted: July 21, 2019 at 7:53 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo danjiraha UK ee Soomaaliya. Ben Fender iyo James Swan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulanka dhexmaray saddexda mas’uul ayaa xoogga lagu saaray in Qaramada Midoobey iyo […]

No Comments read more

Dani Oo u Digay DFS

Posted: July 21, 2019 at 7:52 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland SIciid Cabdullahi Deni ayaa dhaliila kala dul dhacay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay lacagihii ay ku qaadday Magaca Soomaaliya ku kicineyso Dhallinyarada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa daba socday Lacago dowladda Federaalka ah ku bixisay dhimsha Garoonka Gaalkacyo iyo Waddo ku taalla Magaalada […]

No Comments read more

Puntland Oo Iska Diidday Ammar Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo

Posted: July 21, 2019 at 7:49 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay amar uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo siiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ahaa sii deynta Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw -Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland midkoodna uusan awood u lahayn in la siidaayo […]

No Comments read more

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Aqalka Sare?

Posted: July 20, 2019 at 7:33 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay yeelanayaan kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah. Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku saabsan yahay hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xeerkan ayaa waxaa horay u soo meel mariyay Golaga shacabka Soomaaliya oo saddex aqrin mariyay una gudbiyay Golaha aqalka sare […]

No Comments read more

Dhageyso: Xildhibaannada DFS Ku Eedeetet Cunaqabateyn Ay Ku Hayso Somaliland

Posted: July 20, 2019 at 7:31 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaannada Labada aqal ee ka soo jeeda Degaannada Somaliland ayaa waxaa ay dowladda Federaalka ah ku eedeeyeen in ay cunaqabateyn saartay Somaliland. Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sidoo kale diiday Guddiga uu dhawaan Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo u magacaabay in ay dhex dhexaadiyaan wadahadallada labada dhinac. Xuseen Carab Ciise oo horay u […]

No Comments read more

Dagaal Ka Dhacay Baay

Posted: July 20, 2019 at 7:30 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Gudoomiyaha Awdiinle Ibraahim Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Degmada  Awdiinle ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka waxa uu ku sheegay in ay dileen 3 dagaal yahan oo katirsan Al-Shabaab, halka ay gacanta ku dhigeen hal dagaalame. Dhankooda ayuu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo […]

No Comments read more

Dhageyso: Biixi Oo Kahor Yimid Guddiga Wadahadalka Ee Ay Magacawday DFS

Posted: July 20, 2019 at 7:27 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo kaddib ka hadlay Guddigii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo uusan quseyn Soomaaliya isaga oo sheegay in Guddigaasi qodobada loo wakiishay ay yihiin kuwa quseeya arrimaha gudaha SOomaaliya sida uu hadalka […]

No Comments read more

Wasiir Iska Casilay Puntland

Posted: July 18, 2019 at 7:54 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Federaalka Puntland Saalax  Xabiib Jaamac ayaa iska casilay xilkaas,waxaa uu sidoo kale diiday xil cusub oo uu u magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. Saalax ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Diinta iyo arrimaha dastuurka,waxaana uu sheegay in xilkii hore iyo kan cusubba uu iska casilay. Qoraal uu xalay ku daabacay […]

No Comments read more

James Swan “Hala Xoojiyo Xiriirka DFS Iyo Dowlad Goboleedyada”

Posted: July 18, 2019 at 7:53 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo dhexmara  Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah uu muhiim u yahay in xal siyaasadeed iyo amni laga helo Soomaaliya. Mr Swan oo ka warbixinayay safar uu shalay ku tagay magaalada Jowhar ayaa sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle, Wasiirradiisa iyo Guddoomiyaha […]

No Comments read more

Askarta QM Qaarkood Oo Ka Baxay Soomaaliya

Posted: July 18, 2019 at 7:41 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Qeyb ka mid ah Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlgalayay Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kaddib markii ay dhameysteen Howlgalkooda Soomaaliya. Warbixin ka soo baxday Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in Ciidamadaas ay guteen waajibkii Qaramada Midoobey. Mr Swan ayaa Ciidamadaasi guddoonsiiyay billadaha abaalgudka ee […]

No Comments read more

Puntland Oo Guddoomiye u Magacawday Sanaag

Posted: July 18, 2019 at 7:38 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Puntland u qaabilsanaanaya Gobolka Sanaag. Cali Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Cali Soomaali ayaa waxaa uu horay u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland,waxaana hadda xilkaas mar kale u magacaabay Maamulka Puntland. Maxamed Cabdullahi Jaamac ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 1aad […]

No Comments read more

DFS Oo Magacawday Guddiga Qaban-qaabada Dib u Heshiisiinta Galmudug

Posted: July 18, 2019 at 7:35 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu magacaabay Guddiga qaban qaabashada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug. Guddiga uu magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu saleeyay sida la […]

No Comments read more