Farmaajo iyo Erdogan oo ku kulmay Newyork
Madaxweyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Dalka Mareykanka kula kulmay dhiggiisa Turkiga Rajab Dayib Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii hor marin lahaa,waxaana kulankooda uu bar bar socday Shirka guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi ujeedadiisu ahayd xoojinta […]
Faarax Macalin: Gobollada Muslimiinta Ee Kenya Ha Mamnuucaan Khaatka
Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin Dawaara ayaa waxaa uu ku baaqay in dadka Kenyaanka ah iska joojiyaan Qaadka ka soo baxa Gobollada kale ee dalka Kenya. Faarax ayaa waxaa uu Baarlamaannada Gobollada kala ah; Garissa, Wajir, Mandera, Isiolo, Marsabit, Lamu, Tana River iyo Mombasa ugu baaqay in ay meel ariyaan xeer […]
Finland Oo Ku Dhowaad Boqol Milyan Ugu Deeqday Somalia
Dowladda Finland ayaa lacag gaareysa $8.9 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqday Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Finland Erik Lundberg, ayaa sheegay in lacagtaas ugu talagaleen dib u dhiska hay’adaha iyo xeerarka dowliga ah ee Soomaaliya. Erik Lundberg, ayaa intaas raaciyay in lacagtaas uu maamulayo Bangiga Adduunka, Dowladda Soomaaliyana u mariyeen Bangiga. Wasiirka ayaa […]
Sirdoonka Puntland Oo Loo Magacaabay Taliye Cusub
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay madaxa sirdoonka Maamulkaas. Mukhtaar Maxamed Xasan, ayaa loo magacabaay Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Puntland. Ninka la magacaabay oo ku magac dheer Mukhtaar Jeyte waxaa uu hadda hayay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland. Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali […]
Kenya Oo Kordhineysa Khatka Ay Keento Somalia
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Dalka Kenya ee AFA ayaa waxaa ay sheegtay in ay dooneyso in la kordhiyo suuqyada Qaadka dalka Kenya islamarkaana la gaarsiiyo meelo hor leh. Guddi ka socda Hay’addaas ayaa maanta oo Talaado ah la kulmi doona Guddiga Beeraleyda Qaadka dhoofsata waxaana ay kala hadlayaan sidii looga caawin lahaa suuqyo cusub iyo […]
Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea Iyo Itoobiya Oo Bilad La Guddoonsiiyay
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa waxaa la guddoonsiiyay billado hoggaan wanaag ah. Saddexda mas’uul ayaa ka qeybgalay shirka Concodia Summit oo ka dhacay maagaalada Newyork ee dalka Mareykanka. Saddexda hoggaamiye ee geeska Afrika ayaa abaalgudkan ku muteystay dib u […]
Daawo: Xasan Sheekh Oo Si Kulul Ula Hadlay DFS
Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay Kismaayo loogu diiday Sheekh Shariif. Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi, isaga oo eedeeyey DFS. Dalka ayuu sheegay in dowladdan ay meel halis ah ku waddo, islamarkaana haddii aan laga […]
Sheekh Shariif: annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo!
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay Xukumada Faderaalka Soomaaliya uu sheegay in ay ku fashilantay Waxyaabihii loo igmaday sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in laga hor istaagay Safar uu ugu socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose si uu ugu qayb galo […]
Xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay xayiraaddii la saaray Sheekh Shariif
isbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran ayaa waxaa uu war-saxaafadeed ka soo saaray xayiraaddii shalay lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya. War-saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa cambaareeyay go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku hor istaagtay Sheekh Shariif. Hisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa u dhignaa.
Soomaaliya oo ka qeyb qaadatay dhoolatus uu Sucuudiga ka wado Badda Cas
Dowladda Sucuudiga ayaa dhoolatus Ciidan waxaa ay ka billowday Badda Cas waxaana ka qeyb aha dalal badan oo ku teedsan baddaas. Waddamada ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Jordan, Egypt, Sudan, Djibouti, Yemen iyo Somalia. Dhoolatuskan waxaa ka qeyb qaadanaya Waddamada ku yaalla Gobolka islamarkaana xulufada dhow la ah dalka Mareykanka. Sucuudiga ayaa waxaa […]
Daacish oo soo bandhigtay Ciidan ay ku tababartay Soomaaliya
Kooxda Daacish faraceeda ka dagaallama Soomaaliya ayaa baahiyay sawirrada dagaalyahanno ka tirsan oo ku tababaranaya Buuraleyda Gobolka Bari ee Soomaaliya. Daacish ayaa sheegtay in xerada lagu tababarayay ciidankaas lagu magacaabo Daa’uud Al Soomaali oo ahaa tababare ka tirsanaa laguna dilay gudaha Soomaaliya. Kooxda Daacish ayaa sawirro iyo muuqaalka tababarkaas oo ay baahisay ku sheegtay in […]
CC Shakuur Oo Ka Hadlay Xayiraaddii Sheekh Shariif
Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo muddo 3 maalmood ah oo maanta ka bilaabaneysa. Amar ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay […]
Recent Comments