Newsletter subscribe
September 2019

Jubaland oo hanjabaad kale u dirtay Dowladda Federaalka ah

Posted: September 19, 2019 at 8:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in go’doomin sharci darro ah ay saartay Maamulka Jubaland. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in xayiraadda dowladda Soomaaliya ay saartay Maamulka Jubaland ee dhinaca duullimaadka ah ay saameyn taban ku yeelatay dadka reer Jubaland. Waxaa uu sheegay in ay […]

No Comments read more

Kenya oo quus ka taagan Gaadiidkii dagaalka ee ay ka iibsatay China

Posted: September 18, 2019 at 8:20 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay quus ka taagantahay  gaadiidka qaada Ciidamada ee ay horay uga iibsatay dalka China. Gaadiidkaas oo loo yaqaan APC, ayaa waxaa adeegsada Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Soomaalida waxaana loogu sheegay in aysan Karin Miinooyinka iyo qoriga RPG-ga oo ay inta badan adeegsadaan AL-shabaab. Hayeeshee waxaa su’aalaha hay’adaha amaanka […]

No Comments read more

Maxay tahay sababta Taliyaha Sirdoonka Angola u yimid Muqdisho?

Posted: September 18, 2019 at 8:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Taliyaha Hay’adda sirdoonka Dalka Angola José Luís Caetano Higino de Sousa. Safarka Taliyaha Sirdoonka Angola ayey dad badan isweydiinayaan waxa uu salka ku hayo hayeeshee dalka Angola waxaa galay raadka Qaraxii loo adeegsaday Laptopka ee lagu qarxiyay diyaaradda Daalo Airline February sanadkii 2016kii. Ninka Qaraxaas geystay oo magaciisa lagu […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo oo Ahlu Sunna ku bogaadiyay dagaalkii ay la galeen Al-shabab

Posted: September 18, 2019 at 8:15 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu magaalada DHuusamareeb kulan kula qaatay hoggaanka ugu sarreeya Ururka Ahlu Sunna ee Magaaladaas maamulayay. Madaxweynaha ayaa madaxda Ahlu Sunna ee uu la kulmay ku bogaadiyay dadaalka iyo halganka ay u galeen in degaannada ay ka taliyaan ka celiyeen AL-shabaab. Waxaa kale oo uu […]

No Comments read more

5 xisbsi oo Walaac kamuujiyey War-murtiyeedka kasoo baxay shirka dib u heshiinta Galmudug

Posted: September 18, 2019 at 8:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xibsiyada siyaasadda ee UPD, Wadajir, Ilays, Horu socod–Qaran & Xisbiga Nabadda ayaa welwel ka muujiyey habka uu u dhignaa War-murtiyeed kakooban 3 bog kaas oo 16-Sep-2019 kasoo baxay shirkhabka dib u heshiinta Galmudugm xisbiyada waxa ay si aad ah u saluugeen qodobada kujiray War-muriyeedkaas. Halkan ka aqri war-murtiyeedka xisbiyada Madaxweyne Farmaajo oo kaqaybgalay munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay saaran […]

No Comments read more

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay koofurta Somaliya

Posted: September 18, 2019 at 8:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in laba xubnood oo ka mid ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ku dileen duqeyn shalay ka dhacday Gobolka Jubada hoose. Warbixinta ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu weerarkaas ka fuliyay waqooyiga galbeed ee Magaalada Kismaayo kaddib markii Al-shabaab ay weerareen Ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan oo halkaas […]

No Comments read more

Kenya oo dayacday Askari ku waashay dagaalka Al-shabaab

Posted: September 17, 2019 at 8:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ehellada Askari 30 jir ah oo ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Kenya islamarkaana ku waashay dagaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay caddaalad dalbanayaan. Qoyska Askariga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya saraakiisha ugu sarreysa ay dayaceen wiilkooda islamarkaana uu jidadka Nairobi bacaha ka ururiyo hadda. John Njoroge, oo 30 jir ah ayaa waxaa uu Shahaaddada A- ka […]

No Comments read more

Midowga Yurub oo ka hadlay Askartii Burundi looga dilay Shabeellaha dhexe

Posted: September 17, 2019 at 8:14 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay weerarkii Sabtigii ka dhacay degaanka Gololey ee duleedka Degmada Balcad halkaas oo lagu dilay in ka badan 10 Askari oo u dhashay Dalka Burundi. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in isaga oo ka wakiil ah Midowga Yurub uu ka tacsiyeynayo weerarkaas islamarkaana ka xunyahay waxa […]

No Comments read more

Hoggaamiyaha Daacish oo markii ugu horreysay ka hadlay qeybtiisa Soomaaliya

Posted: September 17, 2019 at 8:06 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka Daacish ayaa baahiyay cod maqal ah oo ay sheegeen in uu yahay Hoggaamiyaha Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi kaas oo wax badan khudbaddiisa uga hadlay dagaalka ay kula jiraan Mareykanka. Al-Baqdaadi ayaa sheegay in Ururkiisa Daacish uu sii xoogeysanayo islamarkaana Mareykanka ku jebinayaan fagaarayaasha Caalamka ee ay hadda isku hayaan. Waxaa uu ku faanay in goobaha […]

No Comments read more

Wejiga Labaad Ee Shirka Galmudug Oo Loo Gudbay

Posted: September 17, 2019 at 7:42 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu soo dhamaaday wajiga 1aad ee shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug. Madaxweynaha oo shalay gelinkii dambe tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xiritaanka shirkii beelaha Galmudug ee dhuusamareeb iyo in loo gudbay wajiga 2aad […]

No Comments read more

Burundi oo shaacisay Askartii looga dilay weerarkii Gololey

Posted: September 16, 2019 at 8:18 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in 12 ka mid ah Ciidankeeda jooga Soomaaliya lagu dilay weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar sabtigii la soo dhaafay. Sarkaal ka tirsan Dowladda Burundi kuna sugan Magaalada Bujambura ee caasimadda Burundi ayaa qiray in 12 Askari ku dhinteen weerarka lix kalena ku dhaawacmeen. Mas’uulka oo la hadlay […]

No Comments read more