Newsletter subscribe
November 2019

Kheyre Iyo Amiirka Qatar Oo Kulmay

Posted: November 18, 2019 at 7:38 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maagalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar kula kulmay Ra’isalwasaare ku xigeenka dalkaas. Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya waxyaabaha ay sida wadajirka ah uga walaacsanyihiin labada dowladood islamarkaana ay meel uga soo wadajeesan lahaayeen. Sidoo kale waxaa ay labada mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo […]

No Comments read more

Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay mas’uuliyiin ka tirsan Waddani

Posted: November 18, 2019 at 7:35 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Xoghayaha iyo Afhayeenka Xisbiga Waddani ee degaannada Somaliland. Waxaa sidoo kale ciidan lagu hareereeyay xarunta Xisbiga ku leeyahay Magaalada Hargeysa iyada oo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan halkaas. Dhacdooyinkan ayaa yimid kaddib markii Guddoomiyaha Xisbiga C/Raxmaan Cirro uu taageerayaashiisa ugu baaqay banaanbax ka dhan ah Muuse […]

No Comments read more

Xisbiyada Soomaalida iyo Cafarta oo ku biiray xisbiga haya talada Itoobiya

Posted: November 17, 2019 at 11:20 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xisbiyada maamula Gobollada Soomaalida iyo Cafarta Dalka Itoobiya ayaa ku biiray Xisbiga Talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF. Codeyn Xisbiga uu ku qabtay Adis ababa ayaa waxaa u codeeyay 30 xubnood oo ka id ah 36da XUbnood ee Golaha fulinta Xisbiga EPRDF. Lix xubnood ayaa diiday isku biirista Xisbiga talada haya iyo axsaabta ka jirta […]

No Comments read more

Beesha Caalamka oo Kenya iyo Soomaaliya ka dalbatay hirgelinta heshiiskii Nairobi

Posted: November 17, 2019 at 11:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

War safaaxadeed ay wadajir u soo saareen Dowladaha xubnaha ka ah beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayey kaga hadleen heshiiskii dhawaan Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxwenayaasha Soomaaliya iyo Kenya. War saxaafadeedka ayaa marka hore lagu bogaadiyay heshiiskii 14kii November ay labada madaxweyne ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi. Sidoo kale Beesha Caalamka waxaa ay […]

No Comments read more

Kuwait oo ku baaqday in la dhowro madaxbanaanida Soomaaliya

Posted: November 17, 2019 at 11:09 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kuwait ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey in dhowraan Madaxbabaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Nawaf Al-Ahmad, oo ah la taliyaha Wafdiga Dowladda Kuwait ee Golaha amaanka ee Qaraada Midoobey ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweyneyso cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya waxaase uu ka digay faragelin siyaasadeed iyo mid dhuleed. […]

No Comments read more

Xisbiga Wadajir Muxuu Ugu Biiri Waayey Madashada Xisbiyada Qaran?

Posted: November 16, 2019 at 9:16 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isaga oo ku sugan magaalada London waxa uu ka hadlay sababta uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waaye madasha xisbiyada. Waxa uu sheegay in iyaga mar walba ay doonayeen oo kaliya sidii lagu gaari lahaa doorasho in la qabto, welina diyaar u yihiin in xisbiyada kale ay kala […]

No Comments read more

Ruushka iyo China oo ka aamusay cunaqabateyntii hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya

Posted: November 16, 2019 at 9:13 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay muddada ay Soomaaliya saarnaaneyso cunqabateynta dhinaca Hubka ah,waxaana sidoo kale lagu daray waxyaabo cusub oo aan horay uga mid ahayn cunaqabateynta. 15ka dal ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay cod u qaaday in cunaqabateynta Soomaaliya ee dhinaca hubka lagu daro mudd hal sano ah,waxaana codbixintii ku […]

No Comments read more

Xilka qaadista Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya

Posted: November 16, 2019 at 9:10 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay. Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas […]

No Comments read more

Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya Oo Warqadihiisii Aqoonsiga Laga Guddoomay

Posted: November 16, 2019 at 9:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dalka Itoobiya Haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya ee Adis ababa C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey. Munaasibad ka dhacday Madaxtooyada Adis ababa ayaa safiir Cameey looga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii tagey Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa […]

No Comments read more

Cumar Finish: “Agaasime is qarxin rabay ayey hay’adaha amaanka haayaan”

Posted: November 16, 2019 at 8:37 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in intii uu xilka Guddoomiyaha Gobolka hayay Ciidamada sirdoonka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo isqarxin damacsanaa. Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika la hadlayay ayaa sheegay in Qaraxii Gobolka Banaadir ee uu ku dhintay duqii hore, Guddoomiyayaal […]

No Comments read more

Xildhibaannada Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Posted: November 14, 2019 at 10:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland. Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Garowe. C/Rashiid waxaa uu helay 46 cod oo ka mid ah 63 Xildhibaan oo ka qeybqaatay codbixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

No Comments read more

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Xobno Loo Haysto Al-shabaabnimo

Posted: November 14, 2019 at 10:23 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday Afar qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab. Afarta Qof ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen Shabakad ka jirtay Galbeedka Muqdisho islamarkaana dilal ka geysan jirtay halkaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa […]

No Comments read more