Newsletter subscribe
November 2019

Bosaaso: Dhalinyaro lagu eedeeyay dhac oo Xukun lagu riday

Posted: November 11, 2019 at 9:22 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa xukun ku riday laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu […]

No Comments read more

Dadka Shabeellaha dhexe oo ka cabanaya Fatahaadda Wabiga Shabeelle

Posted: November 11, 2019 at 9:12 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dad ku nool duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka barakaceen Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay degaannadooda. Qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay guryahooda uga barakaceen Fatahaadda Wabiga Shabeelle. Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Dowladda Federaalka ayey ugu baaqeen in ay Doon ku […]

No Comments read more

Shirka Nabadda Paris oo maanta ka furmaya France

Posted: November 11, 2019 at 9:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyra ayaa Magaalada Paris ee dalka France maanta uga qeybgelay shir soconaya muddo saddex Maalmood ah oo looga hadlayo Nabadda. Shirkan oo heer Caalami ah ayaa waxaa ka qeybgelaya madaxda Caalamka,waxaana looga hadlayaa nabadda iyada oo ra’isalwasaare Kheyre lagu wado in uu la kulmo madaxda caalamka ee taageerta Soomaaliya kana […]

No Comments read more

DFS Oo Ka Hadashay Hanjabaaddii Shariif Sheekh Axmed

Posted: November 11, 2019 at 9:06 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal hanjabaad ahaa oo shalay ka soo baxay Madaxeynihii  hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la yaabtay hadalka ka soo baxay Madaxweynihii hore. Sheekh Shariif ayaa Khudbad uu ka jeediyay Muqdisho markii uu […]

No Comments read more

Madaxweynayaal hore oo loo diiday in ay ka dhoofaan Muqdisho.

Posted: November 10, 2019 at 9:09 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mudane Shariif  Sheekh Axmed oo ku sii jeeday Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee Aadan Cadde. Saraakiil ku sugan Aadan Cadde ayaa  sheegay  in amar ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya lagu xanibay diyaaraddii Wafdiga madaxdan u qaadi lahayd Magaaladda Baledweyne. […]

No Comments read more

WHO: Fatahaadda Soomaaliya Waxaa Ku Dhintay 25 Qof

Posted: November 10, 2019 at 9:00 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in ay geeriyoodeen 25 qof 47 kalena ay ku dhaawacmeen Fatahaadihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ay ka sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle. Bogga Twitterka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa lagu baahiyay in ay barakaceen 270,000 oo qof, dhimashadu tahay 25 dhaawacana yahay 47 qof. Waxa kale oo ay […]

No Comments read more

Shir Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Dhacaya Caruusha

Posted: November 10, 2019 at 8:58 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Magaadalada Caruusha ee Dalka Tanzania waxaa dhawaan ku kulmaya Madaxweynayaasha Waddamada Bariga Afrika,waxaana ay ka doodayaan sidii xubinnimada Ururkaas loogu dari lahaa Soomaaliya. Waddamada Burundi, Uganda, Tanzania, iyo Kenya oo xubno ka ah Ururka ayaa horay shuruud ugu xiray xubinimada Soomaaliya markii ay codsatay,waxaana ka mid ahayd in Soomaaliya amaan noqoto, bixiso qaaraanka Ururka iyo […]

No Comments read more

Askari Mareykan ah laguna dilay Soomaaliya oo loogu magac darayo xarun caafimaad

Posted: November 9, 2019 at 7:40 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaannada aqalka sare iyo aqalka hoose ee dalka Mareykanka ku matala Gobolka Arizona ayaa isku raacay in magaca laga beddelo xarunta caafimaadka ee lagu daweeyo halyeeyayada Mareykanka ee ku taalla Gobolka Arizona. Martha McSally, iyo R-Ariz oo ka tirsan Aqalka sare ee Mareykanka iyo Andy Biggs oo ka tirsan aqalka hoose ayaa saxiixay sharci magaca […]

No Comments read more

Sierra Leone Oo Xil Muhiim Ah Ka Qabatay AMISOM

Posted: November 9, 2019 at 7:38 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa magacaabay Taliyaha Booliska cusub ee AMISOM kaas oo shaqada billaabay Jimcihii shalay.War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa xilka Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM qeybtooda Booliska loogu magacaabay Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda dalka Sierra Leone. Francisco Madeira, oo ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u […]

No Comments read more

Kenya Oo Qarashaadkii Ka Jaratay Qareenno Wakiil Uga Ahaa Kiiska Badda

Posted: November 9, 2019 at 7:36 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Koox Qareenno ah oo ku doodayay in dowladda Kenya aysan sii wadin dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadoodii istaagtay. Waxaa ay sheegeen in miisaaniyaddii ay ku shaqeyn lahaayeen laga joojiyay sidaas darteedna kiiska in ay sii wadaan ay laftooda ku adkaatay. Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayey u gudbiyeen dacwad la […]

No Comments read more

Guddoomiyahii Baarlamaanka Puntland Iyo Ciidan Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Sanaag

Posted: November 9, 2019 at 7:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabd Xakiin Dhoobo Daareed ayaa gaaray Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag halkaas oo uu dib ugu laabtay maalin kaddib xilka qaadistiisii. Guddoomiye Dhoobo Daareed oo ka soo horjeestay xilka qaadistaas ayaa sheegay in uu sharci ku qabtay xilka sharcina uga tagayo islamarkaana natiijada codeyntii Khamiistii aysan ahayn mid […]

No Comments read more

DEG DEG: Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Posted: November 7, 2019 at 7:37 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannada Puntland ay xilkii ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka maamulkaasi, C/xakiin Dhoobo Daareed, kadib mooshin ay ka keeneen. 53 Mudane ayaa soo xaadirtay kulanka maanta, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland. 49 Mudane ayaa u codeeyey in xafiiska uu baneeyo guddoomiye Dhoobo Daareed, […]

No Comments read more