Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
4,247 Arday Oo Ku Dhacay Imtixaankii Dugsiyada Sare Ee Qaadday DFS
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2018/2019, sida ay Wasaaraddu sheegtay sanad-dugsiyeedka 2018/2019 waxaa Imtixaankan galay 29, 434 Arday.
Imtixaanka 2018/2019 oo Wasaaraddu qaadday laba mar waxa kadhashay muran badan oo gaaray heer dowlad-goboleedyada qaarkood sida Puntland ay iskood u qaadaan Imtixaanka iyaga oo aan xiriir iyo wadashaqeyn lalahayn Wasaaradda Waxbarashada federalka, hayeshee Wasaaradda ayaa ku adkeysatay dabayaaqadii May-2019 in Imtixaanka lagu celiyo kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyey Su’aalaha maaddooyinka imtixaanka qaarkood.
Sida ay Wasaaraddu sheegtay 22,499 Arday oo kamid ah 29, 434 Arday oo sanad-dugsiyeedka 2018/2019 u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad ayaa kugudubtay ama ku baastay Imtixaankan halka 6,935 Ardayna ay ku hareen ama kud haceen Imtixaanka, taas oo kadhigan in 77%Ardaydii Imtixaanka gashay ay gudbeen iyada oo 23% ay ku hareen.
Tirada gabdhaha ku gudbay Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad oo ah 8,162 ayaa tirada guud ee Ardayda kugudubtay Imtixaanka waxa ay kayihiin 75%, halka tirade Wiilsha ku gudbay Imtixaanka oo ah 14, 377 ay kayihiin 77%.
Gabdhaha ku haray Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad ayaa ah 2,688 oo kadhigan 25%tirada guud ee Ardayda gabdhaha ku hartay Imtixaanka iyada oo Wiilasha ku haray Imtixaanku ay gaareen 4,247 oo kadhigan 23%.
Sida uu sheegay guddiga Imtixaanaadka (SOMALI NATIONAL EXAMINATION BOARD –MoECHE) Shuruudaha Baasidda Imtixaanka Ardaygu waa
- In celceliska 7-da maado ee u sareeya aysan ka hooseeyn 60%.
- In ugu yaraan 50% aysan ka hooseeyn 7 maado oo kamid ah maadooyinka guud.
Recent Comments