Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured

Puntland Oo Soo Bandhigeysa Baaris Ay Ku Sameysay Dilkii Madaxii DP-world Ee Dekadda Boosaaso

Posted: July 24, 2019 at 7:37 am   /   by   /   comments (0)

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu billaabay baaritaan u gaar ah oo ay ku ogaanayaan cidda ka dambeysay dilkii madaxii Hay’adda DPWorld ee Magaalada Boosaaso iyo qaraxyo Bishii May ka dhacay Magaaladaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowlad Goboleedkooda uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo bandhigayo baaris ay ku sameeyeen dilkii PAUL ANTHONY FARMOSA, oo ahaa madaxii Hay’adda DPWorld ee Dekadda Boosaaso kaas oo la dilay 4tii February sanadkan.

Ninkaas oo u dhashay Dalka Malta ayaa waxaa dilkiisa sheegatay xarakada AL-shabaab,waxaana ay Puntland soo bandhigtay Ninkii dilka geystay oo dhaawac ahaa.

Puntland waxaa ay sheegtay in ay dabagal ku heyso warbixintii Wargeyska The Newyork Times ee dowladda Qadar ku eedeysay in ay ka dambeysay weerarro ka dhacay magaalada Boosaaso.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa sidoo kale Hay’adaha dowladda Federaalka ah sida Golaha aqalka sare iyo Golaha shacabka ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo arrintaas.

Axmed Macalin Fiqi oo ah Xubin ka mid ah Golaha shacabka sidoo kalena ka tirsan Guddiga difaaca ee Golaha shacabka ayaa sheegay in ay baaris ku sameynayaan eedeynta Newyork Times ee ka dhanka ah Dowladda Qadar.