Featured, Arrimaha Siyaasada
Taliyaha Cusub Ee AFRICOM Oo Kusoo Wajahan Muqdisho
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa Jimcihii shalay yeeshay Taliye cusub, kaddib xil wareejin ka dhacday Xarunta ugu wayn taliskaas ee ku taalla Dalka Germany.
Gen. Stephen J. Townsend, ayaa waxaa uu safarkiisa ugu horreeya ku imanayaa Magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AFRICOM.
Sababaha uu u imanayo waxaa ka mid ah in uu la kulmo saraakiisha Mareykanka ah ee ku sugan Muqdisho iyo Balli-doogle, in uu qiimeeyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya iyo in uu kulamo la qaato madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Taliyaha cusub ayaa beddelay Jeneraal Thomas Waldhauser, kaas oo saddex sano hogaaaminayay Taliska Mareykanka ee Afrika haddana howlgab noqonaya.
Waqtiga uu imanayo si rasmi ah looma shaacin hayeeshee waxaa qoraalkooda lagu sheegay in uu imanayo todobaadkan.
Stephen J. Townsend, ayaa xilkan ka hor ahaa Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Daacish kula dagaallamay dalalka Ciraaq iyo Syria.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhawaan u soo magacaabay Taliska Afrika markii sida Mareykanka uu sheegay uu Ninkan ku guuleystay dagaalkii Mareykanka uu Daacish kula galay Ciraaq iyo Syria.
Recent Comments