Featured, Arrimaha Siyaasada
Aqalka Sare Oo Ka Doodaya Sharciga Shidaalka
Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ka mid ah kalfadhigooda 5aad,waxaana xildhibaannada xalayba lagu wargeliyay in ay kulanka xaadiraan.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah mid si gaar ah isha loogu hayo waxaana ka mid ah hindise sharciyeedka Batroolka iyo sharciga xaqsiinta Ciidanka.
Xeerka Batroolka ayaa dhawaan waxaa meel mariyay Golaha shacabka Soomaaliya waxaana ay u gudbiyeen golaha aqalka sare.
Xeerkan ayaa dood badan ka dhex abuuray Golaha shacabka, aqalka sare, Mucaaridka iyo Beesha Caalamka.
Sharciga Batroolka ee dalka ayaa saameyntiisa gaarka ah leh waxaana durba soo baxday in xeerkaas oo uusan wali meel marin aqalka sare ay dowladda Soomaaliya heshiisyo kula gashay sharikadda Spectrum oo shidaal baarista Soomaaliya heysata.
Dhinaca kale hindise sharciyeedka xaqsiinta Ciidanka Soomaaliya oo isaguna horay Golaha shacabka u soo meel mariyeen ayey maanta ka doodayaan golaha aqalka sare.
Xeerkan ayaa taageeraya kordhinta mushaaraadka Ciidamada dowladda oo ah kuwa ugu mushaarka yar shaqaalaha dowladda.
Recent Comments