Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
QM Oo Adkeysay Ammaanka Xarumaheeda Magaalada Muqdisho
Amaanka xarumaha Hay’adaha qaramada Midoobey ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii todobaadkii hore lala beegsaday xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho.
Weerarkaas oo ay Al-shabaab mas’uuliyaddiisa sheegatay waxaa ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan oo xarunta Gobolka tagay.
Weerarkaas waxaa la horreeyay weerar si gaar ah loola beegsaday xarumaha Qaramada Midoobey 1dii January sanadkan, weerarkaas oo isna AL-shabaab mas’uuliyaddiisa sheegatay waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobey halka qofka kalena uu ahaa qandaraasle ka tirsan Qaramada Midoobey.
Tiro Hoobiyayaal ah ayaa lagu weeraray xarunta xalane oo ay inta badan ku yaallaan xarumaha Qaramada Midoobey, safaaradaha reer galbeedka iyo Taliska ugu weyn ee Midowga Afrika.
shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degay Ciidamo gaar ah oo ay leedaha Qaramada Midoobey kuwaas oo ka socda dalka Uganda.
Tiradoodu waxaa ay gaareysaa 625 Askari,waxaa ay mas’uul ka yihiin ilaalinta amniga Xraumaha, shaqaalaha iyo agabka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Recent Comments