Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Wax-garad Loo Xiray La Kulanka Al-shabaab

Posted: July 28, 2019 at 7:25 am   /   by   /   comments (0)

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Dhowr Oday oo ka mid ahaa ergadii soo xulatay Xildhibaannada Maamulkaas ku matala Dowladda Federaalka ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen Odayaal ka soo laabtay dhinaca Al-shabaab.

Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa waxaa uu kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baydhaba waxaana uu kala hadlay in aysan tagin meelaha  ay ka taliyaan Al-shabaab ee ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa isku raacay in ay iska kaashadaan amniga degaannada Maamulka Koofur Galbeed.

Mahad waxaa uu sheegay in Odaygii lagu arko isaga oo tagaya meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab uu iyaga la mid yahay islamarkaana la xirayo.

Waxaa uu Odayaasha uga digay in ay qaataan amarrada ka soo baxa AL-shabaab oo uu sheegay in ay Odayaasha ku cabsi gelinayaan.

15kii Bishan Al-shabaab ayaa amar ay soo saareen waxaa ay Odayaasha soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya u qabteen 45 Cisho in ay isaga diiwaangeliyaan meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab/

Al-shabaab ayaa ku hanjabay in Odaygii aan qaadan amarkooda muddadaasna isku diiwaangelin uu wajahayo sharciga sida ay sheegeen.