Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Wax-garadka Iska Diiwaangeliyey Al-shabaab
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo saaray warbixin ay ku faah faahinayeen waxa ka dhaqan galay amar 15kii Bishan ka soo baxay oo ay ugu yeereen Odayaasha soo xulay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa sheegtay in ilaa hadda ay is diiwaangeliyeen 159 Oday oo ka mid ahaa Odayaashii uu ku socday baaqooda islamarkaana ay kuwo kale la hadleen.
Warbixinta Al-shabaab waxaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay iska diiwaangeliyeen Odayaashaas, kuwa Maamulka Puntlandna Taleefan loogu qabtay Towxiidka sida ay sheegeen AL-shabaab.
Al-shabaab ayaa intaas ku dara y in ilaa hadda Odayaasha iska diiwaangeliyay degaannadooda ay Maamul Goboleedyada uga kala tageen sida soo socota;
Jubaland: 33 Oday dhaqameed.
Hirshabeelle 53 Oday dhaqameed.
Koofur Galbeed 40 Oday dhaqameed.
Galmudug 33 Oday dhaqameed.
Al-shabaab ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Xafiiskooda xiriirka Gobollada uu warbixintan siiyay warbaahinta islamarkaana Odayaasha Puntland ka soo jeeda Taleefanka iska diiwaangeliyeen isaga oo aan sheegin tiradooda.
Al-shabaab ayaa Odayaashii soo xulay Ergooyinka u qabtay ilaa 1da Bisha September ee soo socota inta ka horreysana ay is diiwaangeliyaan.
Recent Comments