Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasaaradda Batroolka: Wadamada Aan Haysan Shidaalka Halis Bay Ku Jiraan

Posted: July 29, 2019 at 6:38 am   /   by   /   comments (0)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda SOomaaliya Maxamed C/Qaadir Hilaal ayaa dalka Mareykanka uga qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in waddamada aan ku jirin OPEC ay halis ku jiraan xilligan loona baahanyahay in ay horumariyaan kheyraadkooda.

Waxaa uu sheegay in shirkaasi waxyaabaha dalka ku jira Waddamada Shidaalka soo saara ee OPEC looga hadlay ay ka mid ahayd kheyraadka dabiiciga ah sida looga faa’ideysan karo.

Kheyraadka dabiiciga ah ayaa kaalin mug leh waxaa uu ku leeyahay dhaqaalaha iyo miisaaniyadda waddamada soo saara shidaalka iyo kheyraadka kale.

Hayeeshee walaaca ugu badan waxaa uu heystaa Wadamada aan soo saarin shidaal dalalkooda uu ku jiro iyo kuwa aan wax kheyraad ah lahayn.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Columbus,waxaana uu uga warbixiyay xaaladda dalka iyo halka uu marayo sahanka shidaalka Soomaaliya.