Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararkii Ugu Dambeeyey Khilaafka Kheyre Iyo Ahlu-sunna

Posted: July 29, 2019 at 6:41 am   /   by   /   comments (0)

Wararka Mandeeq ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb waxa ay sheegayaan in ay socdaan kulamo xal looga raadinayo khilaafka ra’liisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ee ka dhashay Ciidamada la geynayo Magaaladaas.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa doonaya in ciidamo ka socda Dowladda Federaalka oo labo jeer dib loo soo celiyay la geeyo Dhuusamareeb, si ay u ilaaliyaan xarumaha lagu qabanayo shirka la isugu geynayo ergada Beelaha Deegaanada Maamulkaas iyo doorashada.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa doonaya in ciidamada ahlu sunna iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Xarunta Galmudug ay sugaan ammaanka, isla markaana aan jirin baahi sababeysa in ciidamo dheeraad ah la geeyo Dhuusamareeb.

Xildhibaanno isugu jiro heer federal iyo heer dowlad goboleed, Odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku baxay daminta khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Kulamada ayaa sii socon doonaa illaa inta lagu go’aaminayo Ciidamada sugaya ammaanka Goobaha lagu qabanayo shirka looga hadlayo Khilaafaadka Beelaha iyo Doorashada.

5-bisha August oo ku began Isniinta Todobaadka dambe waxaa qorshuhu yahay in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shir u dhaxeeya Ergo mataleysa qaybsanaya Xildhibaaanada Galmudug.

Wali si rasmi ah la iskuma raacin Ciidamada Ilaalinaya xarumaha shirarka iyo doorashada Galmudug lagu qabanayo