Featured, Arrimaha Siyaasada
Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Laga Soo Wareejiyey Seycheles
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi ayaa Cafis U Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xirnaa falalka Budhcad-badeednimada .
“Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas.
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xiran falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland.
Magacyada 19 Maxbuus ee maanta laga fasaxay Xabsi ku yaala Magaaladda Hargaysa.
1) Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi
8) Cabdirisaaq Maxamed Cali
9) Cabdifataax Axmed Xasan
10) Nuur Maxamed Aadan
11) Jamaal Maxamed Cali
12) Cali Maxamed Cali
13) Cabdillaahi Maxamed Xasan
14) Cabdi Tahliil Xasan
15) Daahir Cabdillaahi Warsame
16) Cabdiqaadir Cabdi Cali
17) Cabdinuur Xaaji Aadan
18) Maxamed Maxamuud Xasan
19) Abuukar Axmed Ciise
Maxaabiis badan oo laga soo daaday Xabsiyo dalka Dibadiisa ah ayaa ku xiran Xabsiyo ku yaala deegaanadda Soomaalida si ay halkaas ugu dhamaystay Xukunka lagu riday.
Recent Comments