Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiye Mursal Iyo Madaxweyne Dani

Posted: July 30, 2019 at 6:59 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan oo booqasho ku tagay Magaalada Garowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa maamulkaas.

Kulan ay Wada yeesheen Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni aya Waxay Iska Xog Wareysteen Xaalada guud ee dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah iyo dowladda dhexe.

Sidokale kulanka ayaa waxa goob joog ka aha Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland, Axmed Cismaan Karaash.

Ugu horeynti Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaho Deni ayaa ugu Mahad Celiyey Guddomiyaga Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Iyo Wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Puntland isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaaramay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxdooda in ay kusii fikiraan Sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii balaaran.

Mursal ayaa Magaalada Garowe uga qeybgelaya xuska 1da August oo ku beegan sanad guurada 21aad ee aas aaska dowlad Goboleedka Puntland Soomaaliya.