Featured, Arrimaha Siyaasada
Ahlu-sunna Oo Soo Saartay Amarro Dhanka Ammaanka Ah
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa amarro la xiriira dhinaca amaanka ku soo rogtay dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.
Saraakiisha Booliska iyo Nabad sugidda ee Ahlu Sunna iyo kuwa Federaalka ah ayaa si wadajir ah u soo saaray qodobo ka kooban 10 oo dadka magaalada lagu wargeliyay.
Qodobada ayaa waxaa ay u qoranyihiin sidan;
1_muwadinkii Iska iibinaya Garigiisa Kuna Sugan gudaha Caasimada Waa Inuu Soo Wargaliyaa Xafiisyada Qabilsan Diwangalinta Gadiidka Ee Labada Xafiis.
2_Muwaadiniinta Leh Gaadiidka Waa Inay Qaataan Targada Maa,mulka Lamana Ogolan Doono Gaari Aan Laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Gaariga inuu Shaqeeyo.
3_Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya.
4_ Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada.
5_muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida’ qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada.
6_Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka.
7_Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga.
8_ Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba.
9_Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto.
10_Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan.
Recent Comments