Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Jubbaland: Ma Jirto Itoobiyaan La Wareegay Kismaayo

Posted: July 31, 2019 at 7:24 am   /   by   /   comments (0)

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ay la wareegeen qeybo ka mid ah Magaaladaas sida ay baahisay warbaahinta qaarkeed.

Wasiirka Qorsheynta Jubaland Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in aysan jirin wararkaas islamarkaana amaanka magaalada aanay waxba iska beddelin.

Warbaahinta Ajanabiga ah iyo midda gudaha qaarkood ayaa qoray in Ciidamada Kenya ay isaga baxeen Kismaayo islamarkaana Ciidamada Itoobiya la wareegeen goobaha ay ka baxeen Ciidanka Kenya.

Wasiir Xirsi waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Kenya aysan ka bixin Magaalada iyada oo sidoo kalena aysan jirin wax isbeddel ah oo ka jira Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada Maamulkaas,waxaana socda hardan xoog leh oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya siyaasadda dowlad Goboleedka Jubaland.