Featured, Arrimaha Siyaasada
Injineer Yariisow Oo Manta Lagu Aasayo Muqdisho
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray inta badan Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa la xiriirta aaska Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho, C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo Khamiistii ku geeriyooday Dalka Qadar.
Ciidamada ayaa Gaadiidka kala duwan ka celinaya Waddooyinka waxaana inta badan dadku ay yihiin kuwa goobaha shaqada iyo waxbarashada ku tagayaan lugtooda.
Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka ah, Wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda AMISOM ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan aaska Marxuum Yariisow.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah iyo in calanka Soomaaliya mudd saddex beri ah hoos loo dhigo.
Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac 24kii Bishan ka soo gaaray weerarkii AL-shabaab ka geysteen aqalka dawladda hoose ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen saddex Guddoomiye Degmo, Afar Agaasime iyo shaqaale kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir.
Recent Comments