Featured, Arrimaha Siyaasada
Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sool
Wararka ka imaanaya Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Jabhad diidan joogitaan Ciidanka Maamulka Somaliland ay weerar ku qaadeen Xero Milatari oo ay leeyihiin Ciidanka Somaliland.
Jabhad hubaysan ee kasoo horjeedda joogitaanka ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa weerar ka gaystay xarun militari oo lagu magacaabo buurta Sayidka ee degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Dagaaalkaan oo muddo socdey ayaa la sheegay in uu u dhexeeyey ciidamada maamulka Somaliland iyo jabhad ka dhisan gobolka Sool.
Saraakiisha Somaliland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay weerarkaan, waxaana saraakiil u hadashay ay sheegeen inaysan jirin wax yeelo soo gaartay ciidamadood.
Balse sarkaal u hadlay kooxda weerarka fulisay ayaa sheegay inuu jiro khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada Somaliland, waxana uu sheegay in ay dib ugu laabteen Fariismo ay markii horaba ka duulaan tageen sida uu hadalka u dhigay.
Shacabka Laascaanood ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen madaafiic iyo hubka culus oo labada dhinac is waydaarsayeen balse uu haantan istaagay.
Gobolka Sool oo ay ku loolamayaan gacan ku heyntiisa Maamuladda Somaliland iyo Puntland ayaa hadana waxaa ka abuurmay Jabhado iyaguna doonaya in ay gacanta ku hayaan Goboladda Sool iyo Sanaag.
Recent Comments