Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Wejiga Labaad Ee Shirka Hobyo Oo Maanta Furmaya

Posted: August 5, 2019 at 7:42 am   /   by   /   comments (0)

Wararka Maandeeq ay ka heleyso Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in ay maanta wajiga labaad uu galayo shir u socda Odoyaal dhaqameed kasoo jeeda Galmudug.

Dhinacyada ka qaybgalaya shirka waxa ay kaga wada hadlayaan sidii ay xal looga gaari lahaa tabashooyin dadka qaar ay kala tirsanayaan.

Xildhibaanno iyo senataro katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay galab tagay ayaa ku biiray madasha, iyaga oo kulamo la qaatay Madax dhaqameedyada.

Xubnaha tagay Magaalada Hobyo waxaa kamid ah, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Xildhibaan Warsame Joodax iyo Xildhibaan Axmed Macali Fiqi.

Odoyaal dhaqameed ka qaybgalaya shirka waxa ay sheegeen in gogoshaan ay muhiim u tahay dhismaha Galmudug, isla markaana shirkaan aan lagu carqaladeeneen shirka dib u heshiinta Galmudug ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya