Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidanka Xoogga Dalka OO Saldhig Weyn Ka Sameysanaya Baardheere
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ka sameyneyso Talis cusub oo lagu doonayo in uu qorsheeyo islamarkaana fuliyo howlgallada lagu doonayo in AL-shabaab looga saaro Gobolka Jubada dhexe.
Taliyaha Guutada 10aad ee Ciidanka Dowladda Soomaaliya Maxamed Caddow Cali, oo tagay Magaalada Baardheere ayaa sheegay in ay halkaas u tageen dhismaha iyo diyaarinta Taliskaas oo uu sheegay in lagu xoreynayo Gobolka Jubada dhexe oo dhamaantiis gacanta ugu jira Al-shabaab.
Waxaa uu Taliyihu ku dhawaaqay in Magaalada uu u tagay diyaarinta saldhiggaas ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ka qaadayaan howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ay doonayaan in ay ka fuliyaan Gobolka Jubada dhexe.
Gobolkan ayaa waxaa ay AL-shabaab maamulayaan muddo dheer,waana Gobolka kaliya ee si buuxda uga arrimiyaan Al-shabaab iyada oo Gobollada kale ay ku wada suganyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Taliye Sanka ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamada dowladda ee AL-shabab ka qabsan lahaa Gobolka Jubada dhexe.
Maamulka Jubaland ayaa hadda ku jira xilli doorasho waxaana jira dhaliil loo jeedinayo Axmed Madoobe oo ku saabsan 7dii sano ee uu maamulayay Jubaland in uusan marna isku dayin sidii Gobolka Jubada dhexe looga saari lahaa Al-shabaab.
Recent Comments